Arjen Robben Oo Ka Digay Qatarta Ay Kala Kulmi Karaan Man United

Arjen Robben Oo Ka Digay Qatarta Ay Kala Kulmi Karaan Man United

ARJIN

Laacibka kooxda Bayern Munich Arjen Robben ayaa ka digay qatarta ka soo wajihi karta kooxdiisa kooxda Man United marka ay habeen danbe isku wajahaan Old Trafford.
Robben ayaa sheegay in Man United ay tahay koox aan la fududaysan karin marka loo fiiriyo inay soo gaareen wareega 8da ee Champions League wuxuuna intaa ku daray in United ay tahay koox aan fududayn marnaba.
Arjen Robben oo waraysi siiyay Web-ka Rasmig ah ee Bayern Munich ayaa yiri “Kulan kaan oo kale waa mid aan la saadaalin karin, kulankii lugta koowaad waxaa looga soo adkaaday 2-0, kadibna dib ayeey kasoo kabsadeen iyagoo dhaliyay 3 gool kulankii labaad”.

“Waa inaan si wayn oo feejignaan ah u muujinaa, taageerayaasha iyo jamaahiirteena intuba waxay ka hadlayaan hoos u dhaca soo wajahay Man United lakiin waxay soo gaareen wareega 8da”.
“Waxaan aaminsanahay in kulan kaan uu ahaan doono mid aad u adag, waxaan u baahanahay inaan lasoo baxno awood badan bilowga ciyaarta, waa inaan ka feejignaa naa inay guul daro naga soo gaadho Man United”.