Bale Oo Ku Biiraya Xiddiga Waa Weyn Ee Dunida Isagoo Heshiis 20 Milyan Ginni U Saxiixaya Adidas

Bale Oo Ku Biiraya Xiddiga Waa Weyn Ee Dunida Isagoo Heshiis 20 Milyan Ginni U Saxiixaya Adidas

BEELEEEE

Xiddiga ugu qaalisan dunida Gareth Bale ayaa heshiis qaali ah oo xayaysiin ah ku daray hantidiisa uu ku dhisanayo kubadiisa cagta.
Bale ayaa la fahamsan yahay inuu ogolaaday heshiis 20 milyan ginni oo lix sanno loogu kordhinayao qandaraaska uu kula jiro Adidas taasoo ka dhigeysa inuu ciyaaro kabahooda islamarkaana uu noqdo shaqsi xayaysiiya shirkada soo saarta agabka isboortis.
Adidas, oo Bale heshiis kula jirtay tan iyo markii uu ahaa 16 sanno jir ah ayaa sheegtay inay wadahadalo kula jireen wakiilada xiddiga reer Wales tan iyo markii uu xagaagii hore ku biiray Real Madrid.
Bale, oo mushahar ku dhow 300 kun ginni isbuucii ka qaata kooxda reer Spain ayaa ku biiray xiddigaha Lionel Messi, Robin van Persie iyo Arjen Robben oo ka mid ah xiddigaha waa weyn ee xayaysiiya Adidas, inkastoo uusan isagu ka qeybgaleynin Koob Adduun.
Adidas ayaa hubanti la’aan ka aheyd inay Bale ka dhigtaan mid ka mid ah wajiyadooda ugu caansan markii uu joogay Tottenham oo uu ka maqnaa kubada Champions League. Laakiin heshiiskaan cusub ayaa imaanaya markii uu u dhaqaaqay kooxda Real Madrid.