Caruus La Xidhey Kadib Markii Uu Sun Ku Daray Sharaabka Arooskiisa

Caruus La Xidhey Kadib Markii Uu Sun Ku Daray Sharaabka Arooskiisa

SHARAABUHEE

Caruus iyo nin kale ayaa la xidhey kadib markii ay sun ku dareen sharaabkii loogu tala galay arooskiisa,sida ay sheegeen bileyska dalkaasi Nigeria.
Gobolka la yidhaah Kano bileyska ka howl gala gobolkaasi ayaa sheegay inay xidheen laba qof oolala xidhiidhinayo inay ka dambeeyeenfalkaasi oo ay u dhimatay lix qof oo dhallin yaro ah.
Sida ay warbixintu sheegtayna,bileyska ayaa baadhitaano wadey beryahan kadib markii ay lix qofood ku dhimataysaacado kadib dadkaasi ayaa ka mid ahaa dadkii kasoo qayb galay arooska ninkaasi.
Bileyska ayaa sheegay in lixda qof ee u dhimatay suntaasi ay da’doodu u dhaxaysay 20 ilaa 22,waxayna ku dhinteen sun loogu darey sharaabkii ay cabayeen.
Qof marqaatiya oo joogey arooska ayaa sheegay in ay dhacdadani dhacdey abaarihii 10.30 habeenimo maalintii salaasada.dadka dhintayna ay badankoodu ahaayeen rag,oo cabay sharaabkii sumaysnaa .