Dib-u-milicsiga Dil-dillaacyadii Xisbiga KULMIYE Iyo Gufaacooyinka Siyaasadeed Ee Shir-weynihiisa La Sugayo ……Ogaal Staff Writen

Dib-u-milicsiga Dil-dillaacyadii Xisbiga KULMIYE Iyo Gufaacooyinka Siyaasadeed Ee Shir-weynihiisa La Sugayo ……Ogaal Staff Writen

Ogaal-newspaper1-300x241

Inta badan dadku ma xasuustaan wixii la soo dhaafay haddii aan la qorin oo aan la diiwaangelin, Dabadeedna aan diiwaanka laga baadhin Xaalad kasta oo timaadda Wakhtiga lagu jiro. Mar haddii aanu jirin diiwaan dib loo raaco, waxa yaraata fahamka xaaladaha murugsan ee had iyo jeer inala soo gudboonaada. Bal aynu maanta inyar xasuusta dib u celinno dharaarihii na soo maray. Xasuustaa waxa aan ku koobi doonaa geeddi-socodka xisbiga Kulmiye. Waxa aan wax yar ka iftiimin doonnaa oo keliya arrimaha aan ka xasuusto Akhristayaal buuqa ka dhashay shirarkii Xisbiga Kulmiye. Maalintii xisbiyada badan ee dalkeenna laga furay waxa loogu hor dhowaaqay Ururkii UDUB oo uu hoggaamiye ka ahaa madaxweynihii xilligaas Marxuum Maxamed I Cigaal, ILlaahay ha u naxariistee, waxaana ku xigay Xisbiga UCID ee uu hoggaamiyaha ka yahay Eng. Faysal Cali-waraabe, waxa ku xigay oo samaysmay ururo ay ka mid ahaayeen Ileys, Sahan, Asad, Birsol iyo Hormood, hase yeeshee markii dambe isugu biyo-shubtay Lix Urur-siyaasadeed oo si buuxda uga qayb-qaatay doorashadii goleyaasha degaanka ee sannadkii 2002-dii ka dhacday dalka, kuwaas oo saamiga tiradii codadka ee la dhiibtay ka helay boqolley ah sidan: UDUB 40.8%, KULMIYE 18.9%, UCID 11.2%, SAHAN 10.9%, HORMOOD 9.2% iyo ASAD 9.0%. Lix sanno ka dib, waxa magaalada Burco ee Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer, 23 August, 2008-dii lagu qabtay Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo lagu doortay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo murshaxii madaxtinimada ee Xisbiga, wakhtiganna ah Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Kudbad uu maalintaas ka jeediyey xidhitaankii Shirkaas oo uga socdey hotelka Plaza ee magaalada Burco, kadib markii loo doortay musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga waxa uu ugu baaqay xisbiga isku duubni iyo inay wadajir uga shaqeeyaan sidii loo raadin lahaa, ama loo raalligelin lahaa, dibna loogu soo celin lahaa musharraxiinta iyo xubnaha xisbiga ee ka maqnaaday shirka Maalintaas, iyaga oo ka cadhooday doorashada Guddoomiyaha iyo Ninka loo doortay musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga, Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici) ayaa labaduba khudbad mahadnaq ah u jeediyey shirka Golaha Dhexe, kadib doorashada, Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Mucaaradka ahaa Md.Axmed Siilaanyo oo ugu horeyn halkaa ka hadlay markii loo doortay inuu Xisbiga ugu tartamo jagada Maxweynaha doorashada Madaxtooyada ee uu kaga guulaystay Daahir Riyaale ayaa ugu horayn u Mahad-naqay xubnaha Golaha dhexe iyo shir-gudoonka Golaha. “Shirkaani waxa shir ummaddu sugaysay iyo shir Xisbigu sugayay, waa shir dalka oo dhan iyo dunidaba laga xiiseynayay oo looga fadhiyay waxa ka soo baxa iyo natiijadiisaba. Shirkan Golaha dhexe dad badan oo aan jeclayn horumarka Somaliland ama dad badan oo u arkayay in shirkaa waxa ka soo baxa uu saamayta uu cid walba ku yeelanayo, qaar badanina rajadoodey qabeen oo Illaahay uga baryayeen in shirkaasi guuleysto iyo xisbigaasi, qaar badanina way ka naxayeen. Maanta waxaan leeyahay waxa aad iyo aad u farxay oo aad mabsuud uga ah intii wanaagga la jeclayd xisbiga, taageerayaashiisa dhabta ah iyo xubnihiisa intii dalka danaynaysey oo dhan-baa ku farxay baan leeyahay shirka halkan ka dhacay,”ayaa ka mid ahaa weedhii madaxweyne Siilaanyo ku soo gunaanaday shirkaas lagu doortay. Inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo oo Xilligaas hogaaminaayey Xisbiga Kulmiye oo ahaa mucaaradka ugu wayn ee dalka ka jiray Wakhtigaas, waxa shirkaas ka cadhooday Siyaasiyiin magac wayn ku leh dalka iyo fagaaraha Siyaasada, kana mid ahaa Mas’uuliyiinta Kulmiye kuwoodii u sharraxnaa jagooyinka u sarreeya, kuwoodii ugu magaca dheeraa. Maxay ka qaylo-dhaaminayaan. Maxaa keenay daba-furank, Aafada iyo dildillaacii siyaasadeed ee ka dhex toosay Xisbigii ugu weynaa mucaaridka Somaliland ee Wakhtigaas raadinaayey Kursiga Dalka looga taliyo? La isma odhan karo way iska cadhoodeen ragga ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Aw-Cali (Tol-waa), Ibraahim Dhegaweyne, Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi iyo ragga kale ee la midka ahaa, kuwaas oo maalintaas u muuqday garab culus oo ka go’ay Xisbigii mucaaradka ugu waynaa ee uu hogaaminaayey Axmed Siilaanyo, kana soo hor jeestay go’aankii lagu gaadhey Huteelka City Plaza ee Burco ee lagu doortay murrashaxiinta Xisbiga ee jagooyinka Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa. Shirkaas lagu doortay Siilaanyo iyo Saylici waxa ka baxay Cabdiraxmaan Aw-Cali iyo taageerayaashiisii oo u taagnaa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye, inkasta oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu ku baaqay in xisbigu ka wadashaqeeyo soo celinta labada musharrax iyo taageerayaashooda cadhooday, waxay noqotay hal bacaad lagu lisay, sidii ayaanu ilaa maanta Cabdiraxmaan Aw-cali uga maqan yahay Xisbiga Kulmiye. Muddo ka dib, Intii ay talada Dalka Haysay Xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, waxa saaxadda siyaasadda ku soo laabtay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ku dhawaaqay Urur siyaasadeed la baxay Qaran balse aan sharci ku dhisneyn. Xukuumaddii Xilligaas joogtay ee uu hogaaminayey Madaxweynihi hore ee Daahir Riyaale, ayaa ka horjoogsatay, waxaanay labada siyaasi u taxaabtay Xabsiga Madheera, laakiin Daahir Riyaale waxa ku sii xoogaystay mucaaraddadii dalka ka jirtay ee uu hoggaaminayey Xisbiga Kulmiye. Muddo ka dib, markii Siyaasiyiintaas xabsiga laga sii daayey , waxa ay ee ay u gacan galeen Xisbgii Kulmiye ee uu hogaaminaayey Dr Axmed-Siilaanyo oo ay wada-gaadheen heshiis ay mucaaraddooda ugu midoobeen xukuumaddii wakhtigaas. Markii la gaadhay doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2010 dalka ka qabsoontay, Kulmiye waxa uu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose u magacaabay Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee Gobalada Bariga, halka Baashe Cabdi Gaboobe loo magacaabay Guddoomiyaha Ololaha Doorashada Gobollada Galbeed u qaabilsanaa xisbiga Kulmiye. Guushii doorashada Kulmiye ka dib, siyaasiyiintaas, waxa xilal sar-sare looga magacaabay Xukuumaddii Xisbiga Kulmiye ugu horreysay. Bal u fiirso, Afar Sanno ka dib shirkaas, laba sanno ka dib guushii Kulmiye ee doorashadii madaxtooyada, waxa la furay ururrda siyaasadda, Ibraahin Dhaga-wayne iyo Cabdiraxmaan Aw-cali waxay samaysteen Urur ay u bixiyeen UDHIS, waa dil-dillaac ka dhashay Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye la tagay magaalada Burco. Inkastoo damaca Siyaasadda ee Bini’aadamka ay tahay haddana markay timaado Doorasho waa wax dabeeciya in mar walba uu yimaado khilaaf Siyaasadeed ka dhex-Qarxa Siyaasiyiinta ku hirdamaysa kuraasta. Waxa kale oo ka mid ahaa khilaafaadkii Xisbi-Xaakimka Kulmiye oo ilaa maanta boog aan bogsanayn ama nabar aan daawo lahayn ku ah Masuuliyiinta Xisbi-Xaakimka Kulmiye dhacdadii 15-ki April, 2012-ka shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee ku qabsoomay Hotel Maansoor, Hargeysa, kaas oo ay miinadu kula kacday Guudoomiyihii 3-aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii halganka dheer u soo galay Guusha Xisbiga Kulmiye, iyada oo laga warhayo in Cabdiraxmaan dhibaatooyinka ka soo gaadhay ololihii Kulmiye iyo guushii Siilaanyo ay ka mid ahaayeen dhaawac dhabarka ka soo gaadhay Shir baabuur 05 August 2009-dii kula dhacay isaga iyo wefti Kulmiye ah oo uu la socday, waxaana shilkaas ku geeriyooday Alle ha u naxariistee halgamaagii weynaa, udub-dhexaadkii Kulmiye Marxuum Cali Maar-shaal. Ka dib Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa si fool-xun loo jiiday iyada oo Askar loo dalbaday laga saaray shirkii 4-aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo wakhtigaas ka dhacay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana dharaartaas oo Xasuus Taariikh lama ilawaan ah ahayd halkaas lagu gawracay mid ka mid ah Siyaasiyiintii ugu tunka waynayd Xisbiga Kulmiye, kana hayey Kursiga saddexaad ee Xisbiga Kulmiye. Si kastaba ha ahaatee, Xaalada murugsan iyo Aafooyinka duufaanada wata ee ka soo socda shir-waynaha Xisbi-xaakimka Kulmiye oo Xilliga loo mudeeyay ay foodda inagu soo hayso, waxay Dad badan walaac-xoogan iyo wal-wal ka muujiyeen shir-waynaha Xisbi-Xaakimka Kulmiye oo ay isku hayaan garabyo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Bixi Cabdi iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Maxamed Kaahin oo dhinac ah, kuwaas oo laga cabsiqabo in laga faramaroojiyo Xisbiga, isla markaana goobaha shacabku is-kugu yimaado ee lagu falanqeeyo arrimaha cusub ee Dalka ku soo kordhay marka laga hadlayo Xisbiga Kulmiye cidda Guddomiyaha noqonaysa ama musharaxa u tartamaaya doorashada Madaxtooyada, waxay inta badan Su’aalahoodu badan yahay in Mujaahid Muuse Biixi iyo Mujaahid Maxamed Kaahin iyagana lagu macasalaamayn doono halkii lagu bireeyay jidhiftii Xisbiga Kulmiye. Waxa meesha yaalla iyo halka xadhiggu ka xidhmi la’ yahayba, waxa ay ku biyo shubayaan hannaanka xisbiga maamulkiisu u dalandalayo iyo qaabka loo dabbaqo ku-dhowrsanaanta Cadaaladda xisbiga dhexdiisa oo hadda loo arko mid ilkaysatay. ………………….
Ogaal Staff Writen..