Faqri Naga Sii Liita Ayaa Jira!

Faqri Naga Sii Liita Ayaa Jira!

FAQRI

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada New York ee dalkaasi Maraykanka ayaa gunooyinka raashinka ee la siiya u isticmaala si ka duwan sida loogu talo galay. Waxa ay ku iibsadan cunooyin, ka dibna waxa ay u diraan wadamadii ay asal ahaan ka yimadeen ee Karibiyaanka sida Jameyka, Hayti iyo Domenika. gunooyinkan ayaa loogu talo galay dadka in ay u isticmaalaan in ay cuntooyinka daruuriga ahi ku iibsadaan, laakin nin u shaqeya Boostada ayaa laga soo tebiyey in dadka asal ahaantooda ka yimadeen wadamada Karebiyaanka ahi ay caadadood tahay in ay gunooyinka cunto ay dukaamada uga iibsadaan misna u diraan wadamadii ay asal ahaan ka soo jeedeen.
Mar la weydiiey nin saacidaayey haweeney raashinka noocaan ah dibada u direysay ayaa u sheegay warbaahinta. “Iyaguna waa faqri, anagana sidoo kale, laakin waxa aan meeshaan ku isticmaaleyno ayaa la ah wax si weyn u farxad gelin kara, sida ayagoo jano ku jira!