Ficilada Guracan Ee Xukuumada Kulmiye Ee Shacbiga Somaliland Ay La Dhakafaarsan Yihiin Ee Mugdiga Gelin Kara Taariikhda Mustaqbal Ee Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo.

Ficilada Guracan Ee Xukuumada Kulmiye Ee Shacbiga Somaliland Ay La Dhakafaarsan Yihiin Ee Mugdiga Gelin Kara Taariikhda Mustaqbal Ee Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo.

QALINKII

Warbixin: Maxamed Sagax
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘waari mayside war hakaa hadho’ qofkastaana ficil kasta oo uu sameeyo raad baa ka hadha oo lagu xasuusto wanaag iyo samo kolba ta uu ku tallaabsado

Iyadoo if iyo aakhiraba ay xisaabi ka dambayn doonto qofkasta wixii loo dhiibay sida uu u maamulay ee uu u isticmaalay sida uu u gutay amaanada iyo xilka loo igmado isla markaana lagu aamino. Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo oo laga soo doortey xisbiga Kulmiye isla markaana shacbiga Somaliland ay cod aqlabiyad ah kusoo doorteen doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacdey 26kii June 2010-kii oo muddo saddex sano iyo badh ah xilka hoggaaminta dalka hayay ayaa waxa jira arrimo kala duwan oo shacbiga Somaliland ay si weyn ugu dhaliilaan xukuumadda Kulmiye kuwaas oo isugu jira kuwa maamul iyo ficilo kala duwan oo bulshadu ay la amakaagaan inta badan kuwaasoo mugdi galin kara taariikhda madaxweyne siilaanyo hoggaamintiisa mustaqbalka iyo raadadka lagu xasuusan doono xukuumadda kulmiye.
Xukuumadda kulmiye ayaa shacbiga Somaliland arrimaha ay inta badan ayku eedeeyaan isla markaana ay ku xusuustaan hab dhaqanadii maamulkii regime kii siyaad barre oo ficilo shabaha nidaamkii siyaad barre ayka soo ifbaxaan xukuumadda kulmiye ayaa waxaa ka mid ah:-
1. Qandaraasyo la xidhiidha mashaariicda horumarinta ee umadda Somaliland u siman tahay oo cid gaara kooto loogu xidho nidaam qaraaba kiil iyo hab beelaysan.

2.Ka manaafacaadsiga maalgashiga dalka oo tixgelin weyn lagu siiyo isir dhalasho iyadoo aan loo eegin sinaan iyo cadaalad tartanna aan loo gelin.

3. Qabyaalada oo heerkii ay taagnayd cirka isaga sii shareertay oo xukuumadda kulmiye lagu eedeeyo in muddadii ay xilka haysay ay si weyn u buunbuunisay isla markaana ay umadii u qaybsantay saddex qaybood oo kala ah nin badhaadhay,nin tahriib u banbaxay,oo dibadaha isaga haajirey,iyo nin baqtiyaya oo meel uu u ciirsado waayey.

4. Cabudhintii iyo tacadigii saxaafada iyo xoriyatul qowlka oo maraya heer weerar hubeysan lagu qaado ha’yadaha warbaahinta ee madaxa banana iyo suxufiyiinta ka howlgala oo ay dhacdey inlala beegsado heer dil iyo qudh gooya ah.

5. Musuqmaasuqii iyo lunsiga hantida qaranka oo gaadhey heer wasiirada lagu tilmaamo inay la hayb yihiin madaxweynaha ay jeebka ku shubtaan dhaqaalaha maalgashi ee beesha caalamku ay ugu deeqaan Somaliland kuwaas oo maanta la hayo wasiiro hayb beeleed ku bixinaya baadhista khayraadka dabiiciga ee mustaqbalka laga qodayo Somaliland oo inta badan la siiyo qoys gaar ah.

6. Wasiiro iyo agaasimayaal guud oo iswada haysta isla markaana shaqadii qaranka ay u hayeen ayku ragaadey taasoo khilaafkoodu aanu ku salaysnayn mid shaqo balse uu ku salaysan yahay dano shaqsiyadeed oo dhaqaale urursi.

7. Sharcigii iyo kala dambayntii dowladnimo oo ayka weynaatey awood shaqsiyadeed oo lagu awood sheegto xil dowladeed iyo power sheegasho.

Qormadan taxanaha ah lasoco qaybeheeda dambe