Guurti-aaskii Siilaanyo (Xirsi), Garawshihii Marwooyinka iyo Gudcur-saariddii Xaaji Cabdi (Imaamka)!

Guurti-aaskii Siilaanyo (Xirsi), Garawshihii Marwooyinka iyo Gudcur-saariddii Xaaji Cabdi (Imaamka)!

GUURT AASKII

(Salaanmedia.com)-Gadhle: Madaxweyne Siilaanyo (Xirsi), waan ku bariidiyay. Maanta ma isu kaa sheegaa?. Meelo dhawr ah waynu isugu nimi, aqoon gaar ahi inagama dhexayso sidaas awgeedna i garan meysid!

Gaatame: Salaantu waa faral, si gobeed ayaan kaaga guddoomay. Muxuu ahaa yarkaagan aanan arag ee anigana guurti-aas igu sheegay, Gacantayda midigna ammaanay. Garasho-dheerida xeerbeegtida dheddig waxa kuugu filan in kun jeer la yidhi “dalka xaawalay iyo gambo-jeeliye ayaa ka taliya”. Iyaga ayaa iga xus, xurmo, xikmad, xeerin iyo laab-xaadhniba iga badiya
Nin goba oo guurtida u roon ayaan ahay. Waa kuwii aan u qabsoomay markii siddeetanka cod ee xaaraanta ah la igaga helay doorashadii dhacday 14/Abril/2003dii. Waa kuwa marka aan maqlo in ay geeriyoodeenba aan aan aas-qaran ugu gurmado. Waa kuwo aan muddo-kordhinta ka xodxodanayo. Waa kuwa aan markayga ku shaqaysanayo. Kama aan bixin weedhii iyo wacadkii aan u sheegay Mujaahid Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne). I liqsii qofka aad tahay kollay ciyaalkii dhashay markii aan ahaa Guddoomiyaha SNM ayaad u eegtay. Mooyi wax bidaarta kaa soo saaray. Xirsi miyuu ku garanayaa, isaga ayaa ii caqli ahe?. Ta kale waa maxay shahaadadan lagu siinayaa ma taageerayaashii KULMIYE ayaad tahay.

Gadhle: Adeer si wanaagsan ayaa xeyndaabka guwaantannaamo la iiga yaqaannaa. Beryahaa ma soo gaadhine waxa iigu dambaysay 26kii Mey, 2013ka. Adigoo hurda waan imi dhawr jeer oo Wasiir Cukuse ayaan la socday, dhambaallo aan Gabbal-daye kuugu dhiibayna in aad diidday, ka gaabsatay oo ay kuu cuntami waayeen ayaan xogta ku helay. Inaad guurti-aas tahay ayaan xaqiiqsaday, aniguna Ilaahay kaddib waxa aan tixgeliyaa gadh-caddeyaasha illaa 1984kii kula garab-taagnaa xallinta khilaafaadka iyo ergada nabadda.

Malaha toos iima garan kartide aan tilmaamo ku siiyo, kollay ragga ii macallimiinta ah ayaad yar xasuusan kartaa. Bal eeg duruusta aan dhigtay iyo bareyaasha ku suntan:

Siyaasadda: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

1. Nabadda: Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf

2. Suugaanta: MarxuumMaxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

3. Dhaqanka: Xasan Xaaji Cabdillaahi iyo Muuse Cali-faruur

4. Halganka: Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Xasan Ciise Jaamac

5. Qalinka, sooyaalka SNM iyo dadka mudan: Boobe Yuusuf Ducaale

6. Siirada: Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray

7. Tafsiirka: Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir

8. Diblomaasiyadda: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

9. Tanaasulka: Engineer Faysal Cali-Waraabe

10. Dhaqaalaha: Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

11. Musuq-diidka: Engineer Maxamed Xaashi Cilmi

12. Han iyo Higsi: Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) IKK
Malaha waad dawakhiba! Da’da intii Cigaal ku noqday Xoghayaha Guud ee SNL ayaan joogaa. Qoraaga SAMO-TALIS ayaan ahay, dhawaanna GARDAADSHE ayaa soo baxaya. SOMALI PEN, Macallimiinta Qaranka, Hal-abuurka dhaqan-yaqaan, qalinleyda, diin-dhawreyaasha, meelo badan ayaan ku jiraa. Yaanad igu dawakhine, waxa aan hadda doonayaa in aan noqdo Af-hayeenka UCID. Magacaygu waa Imaam Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi). Faahfaahin dheeraad waxa aad weydiin kartaa Maxamuud Xaashi, Xasan Cabdi Madar, Xirsi Cali, Eddo Samsam, Marwo Shukri Baandare, Wasiir Samaale, Barkhad Jaamac Xirsi, Cabdi-Najax Siyaad Aw Cabdi iyo google oo xog badan iga haya!
Gaatame: Naw, adeer kollay casharro la mahadiyaa waa kugu yar yihiine. Buuqa iga daa! Ma waxa aad doonaysaa in aan cid kugu ballamiyo sidii Maxamed Kaahin ayaan dibadda ku dhigi, sidii Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir ayaan dhabarka kaaga jebin, sida Muuse Biixi ayaa lagaa daba yuusi, waxan kuu dalban RRU sidii Guuleed Daahir Samatar. Ha nixine waxa aad i fahansiisaa deegaanka aad ka soo jeeddo, kollay duubkii Suldaanka Guud iyo Cumaamaddii Odayga Somaliland-ba waad leedahaye. Maxaad uga jeeddaa guurti-aas? Gacaltooyada axsaabta/ururrada? Guwaantannaamo? SAMO-TALIS? Siilaanyo (Xirsi)? Haddaad intaas heegi weydo, waan garanayaa caaqilkaaga oo dacwad ayaan gaadhsiinayaa Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo aanu saaxiib ahayn illaa dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Gadhle: Ma ninkaagan hanjabaya ayaan isu sheegaa? Ii gorayo-khaakhlee Adeer waxan kaa codsanayaa inaad saqda dhexe toosto sidii aad 29/Sebtember/2011kii xilli uunku wada gamay aad xiqdiga, buqdiga iyo af-xumada oodda uga qaadday. “UF baa lagu yidhi Faysalow, Sankaa lagaa qabsaday. Faqash baad tahay. Lagu dooran waa! Qabyaaladiiste ayaad tahay! UFO waxad u dhiibtay GAANNI! Waad fashilantay! Dulqaadan maayo. Yeeli maayo in la i daaro, waxan ahay aabbihii qaranka. Ha dhacdo cidda aan ii guul-wadeyni. Warancadde iyo Siciid Sulub musuq baan ka saamaxay. UDUB waan aasayaa. UCID waa fadhiid”,
Xaaji Cabdi adiga ayaa hagraday, hadduu iga yeelayo maanta mucaaridad bilaw ayaan odhan lahaa. Maalinta uu dhinto waxba gool ha u qalin, qiimihiisana ha garan. Saaxiibtinnadiinnu ,a daneysibaa! Guwaantannaamo waa kaynta aad galoolka ka tahay. SAMO-TALIS nin ragi waa yaqaan, nacasna loo sheegi maayo. Madaxweyne (Xirsi) waa laba nin oo aan kala garan waayay. Gudin (daab), gob (gumar), gacal (nacab), dire (la-dire) daan (qadhiidh), galoof (ramad) waa kasi waayay gunaadka iyo gacan-qabashada ay ku midaysan yihiin.
Magac-bixinta dhaqanka, Siilaanyo waa xayawaan feedho-yar oo duurjoog ah. Kolna waa geesi aan ku garaadsaday magaciisa, 1989kii waxa aan ku heesi jirnay annaga oo joogna Xeryihii Qaxoontiga ee ku yaallay Bariga Itoobiya

Wuu dhacay Siyaad

Siilaanyo dhalay!

Sida dhibica roob

Soo dhigay Isaaq!
Ereyga Xirsi, haddaan abwaannada ka doono bayaamintiisa waxa uu la micne yahay faal! Guntin luqmatul-xajar ah oo aan hun-guraaga kor iyo midna u dhaafin. Deebaaq qofka dhadhamiyaa uu eedo. Gabay uu tiriyay Hal-abuur Aw Cilmi Xuseen Sharmaarke Alle ha u naxariistee waxa uu ku yidhi!
Gaatame: Haddaan fartaada gartay! Cidda kaa dambaysa ayaan toos u sheegayaa. Waa golihii aan saska, selelka iyo saska ka qaaday Kuma dhegaysanayo, yur iyo yac ayaan kuu biisayaa. Yeeli maayo inaad Xirsi wax ka sheegto. Waa mujaahidkii kaaruhu jiidhay 1990kii ee xagga Alle ka badbaaday. Waa difaacahayga, maskaxdayda ninka aad dirsado maalmaha ay dhabaqdo! Waa halyeeygii aan sacabka u tumay markuu gabayga Digniin tirinayay 19kii Abril, 2013kii.
Xasan Guure ayaa kugu guuraya. Xaashiyihii Wasiirkaygii Maaliyadda ee hore: xatooyo-diid, dakhli-labanlaabe, daacad, diiwaankii Aasaasaha SNM ayaad dheehatay. Magacaabistii iyo maagistii gardaadshaha barbaarta ayaa kugu duxay. Garyaqaankii Xaqsoor ayaad tahay. Ninka Gardaadshe qoraya ee UDUB shirkeedii Maansoor joogay ayaad tahay. Naw, baw, kaw, jaw, ish iyo edebso ayaan ku leeyahay. La iguma wareejin dal iyo dad midaysane bar-xisaabeedyo haawanaya iyo khasnado eber dollar ah ayaa la igu hungeeyay.
Xikmaddii abwaan Garaad ayaan kaga maarmay hawraar dambe! Alle qurux iyo qaaye badnaydee. Nacabkayga waa u deebaaq, gacalkaygana waa u doocaan. Miyaanad maqal murtidii uu wiilka aan adeerka u ahay ka naadiyay fagaarihii Landhan? Farxad ayaan raftay markuu yidhi …………..

La soco qaybta labaad haddii Alle idmo!
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)