Halkan ka Bogo Taariikh Kooban oo Ku Saabsan Mudane Daahir Rayaale Kaahin

Halkan ka Bogo Taariikh Kooban oo Ku Saabsan Mudane Daahir Rayaale Kaahin

RIYAALE

Taariikh nololeedkii Daahir Rayaale Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu ku dhashay deegaanka la yidhaahdo Qun-ujeed oo woqooyi ka xiga magaalada Boorama sannadkii 1952. Wuxuu malcaamadda quraanka, dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay Degmada Boorama.
Dugsiga sare ee Cammuud, ayuu Daahir Rayaale Kaahin dhamaystay 1974. Kadib wuxuu u wareegay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, oo uu ka galay Dugsigii tababarka ee Xalane, halkaasoo uu kaga biiray Ciidankii Nabadsugisaa ee NSS Sannadkii 1975.

Daahir Rayaale Kaahin oo derejada Gaashaanle Sare ka gaadhay ciidankii Nabadsugidda ee Dawladdii kacaanka ahayd wuxuu intii u dhexeysay 1975 ilaa 1991 burburkii dawladdii Soomaaliya ka soo shaqeeyay meelo ay ka mid ahaayeen Hargeysa, Berbera, Laascaanood, Burco iyo safaaradda Somaaliya ee Jabuuti.
Daahir Rayaale wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay shirweynihii beelaha reer Somaliland iyo jabhaddii SNM ee dib u heshiisiinta ee magaalada Burco lagaga dhawaaqay markii danbe 18kii May 1991 goonni isu taagga Somaliland.

1992 wuxuu guddoomiye gobol ka noqday gobolka Awdal, kadib wuxuu muddo ahaa ganacsade.
Bishii 23-kii February, 1997dii shirweynihii Beelaha Somaliland ee Magaalada Hargeysa ee Madaxweyne loogu doortay mar kale muddo 5 sannadood ahayd Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa isla markaa Daahir Rayaalena loogu doortay Madaxweyne Xigeenka Somaliland. Waxa uu qabtay xilka madaxtinimo kadib geeridii ku timid madaxwaynihii labaad ee somaliland mudane Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal, xiligaas oo uu ahaa madaxwayne ku xigeen. Waxa uu ku guulaystay doorashooyinka Madaxtinimo ee somaliland bishii abriil ee sanadkii 2003dii, isaga oo ka sharaxna xisbiga talada haya ee UDUB (Ururka dimuqraadiga ee Umadaha bahoobay), waxana xilka loo dhaariyay bishii maayo ee 2003dii.

Madaxwaynenimada 3-dii May 2002, markii Madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Koonfurta Afrika ayaa kadib loo dhaariyay Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha Somaliland sida uu dhigaayay dastuurka Somaliland inkasta oo xoogay muran ah layar geliyay oo rag damac siyaasadeed leh oo madaxweyne siilaanyo kamid ahaa ay damceen in lagu wareejiyo awooda dalka gudoomiyaha guurtida oo ahaa sheikh ibraahin sheikh madar IHN kadibna doorashooyin degdeg ah oo waqtigoodii kasoo hor maray la qabto fikirkaas oo ay ka horyimaadeen xildhibaano badan oo baarlamaanka ku jiray oo uu kow ka ahaa xildhibaan c/qaadir jirde oo markaas ahaa gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka waxay soo jeediyeen in aan baarlamaanka lagana bixi Karin laguna soo biiri Karin ilaa laga dooranayo madaxweynaha cusub iyo kuxigeenkiisa taas oo caqabad weyn ku noqotay madaxweyne siilaanyo oo rabay inta uu baarlamaanka kasaaro xubinta u matelaysay beeshiisa oo ahaa ina shaybe uu kadibna bedelo halkaasna ( baarlamaanka gudihiisa) iska sharxo si uu awooda dalka u hanto,

markii hamigaa siilaanyo soo gudhay waxay noqotay in dastuurka la raaco oo xilka sitoosa loogu dhaariyo daahir rayaale kaahin wuxuu isna Madaxweyne ku xigeen u soo xushay, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka tirsanaa golaha wakiilada.
Bilo ka bacdi ayaa Xisbiga UDUB isna uu u doortay Madaxweyne Rayaale in uu noqdo guddoomiyaha Xisbigaasi. Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee ugu horreysay ee ay xisbiyo ku tartamaan Bishii April sannadii 2003, ayaa Daahir Rayaale Kaahin kaga guuleystay 80 cod oo keli ah musharraxii xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, iyadoo tartankana uu ku jiray Feysal Cali Waraabe oo isna ka sharraxnaa Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Shantii sannadood ee Daahir Rayaale loo doorty Madaxweynaha waxay kaga ekeyd April 2008 laakiin doorashadii Madaxtooyada oo aan qabsoomin awgeed ayaa dhawr jeer golaha guurtidu u kordiyeen inuu xilka sii hayo inta doorasho ka dhacayso.

Daahir Rayaale siddeedii sannadood ee uu xilka hayay madaxweynaha waxaa Somaliland ka qabsoomay doorashooyinkii baarlamaanka iyo kuwa golayaasha deegaannada Somaliland. Daahir Rayaale wuxuu leeyahay xaas, Huda Barkhad Aadam, iyo Afar Caruur ah saddex wiil iyo gabar. Mudane Daahir Rayaale Kaahin inta aanu xilka qaban waxa uu soo maray Jagooyin badan oo ay ka mid ahaayeen sarkaal ka tirsan wakaaladii sirdoonka Soomaaliya, badhasaabka gobolka awdal, diblumaasi ka tirsan safaaradii soomaaliya ee jabuuti iyo madaxwayne ku xigeenka somaliland. dahir rayaale waa nin dadkiisa iyo dalkiisaba wax u taray waxa uu uhor seegay mudadii uu xilka hayay waxyaabo fara badan oo ay ugu horayso hirgalinta doorashadii ugu horaysay ee Somaliland ka dhacda haday tahay tii madaxtinimada iyo tii golaha wakiilada waxa lagu qeexaa inuu yahay nin dagan waxaana la yidhaahdaa wuxuu ahaa nin isku hayay Somaliland,

wax qabad kii sii waxa lagu xasuusan karaa.
1- doorashooyinkii dalka ka dhacay oo uu ku guulaystay inay u qabsoomaan sidii loogu talo galay oo aan buuq kadhicin,
2- ciidanka qaranka oo uu dhisay kana dhigay ciidan tayo leh,
3-siyaasada arimaha dibada oo uu meeqaam sare geeyay kuna guulaystay inuu saaxiibo badan ku yeesho afrika iyo wadamo badan oo kele wolow aanu dalka u soo helin ictiraaf buuxa,
4-xuduudaha dalka oo uu inta badan geeyay ciidanka qaranka,
5-nabad gelyada dalka oo uu kadhigay mid laysku haleenkaro
6-wuxuu ku guulaystay in dalka uu wareejiyo isaga oo midaysan oo aan dhibi ka taagnayn,

aritii ugu qiimaha badnayd waxay dhacday markii doorashadii danbe laga helay ee uu sida fiican xukunka ugu wareejiyay madaxweyneha dalka mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo taas oo aanay filayn beesha caalamku iyagoo aaminsanaa inay meeshu tahay afrika weliba dal yar oo la deris ah gobol gubanaaya!

waxa lagu sifeyn karaa mudane daahir riyaale kaahin inuu haa aabihii doorashooyinka iyo dimuqraadiyada Somaliland.

aadan axmed nuur