Hordhaca Real Madrid v Bayern Munich- Guardiola Iyo Ancelotti Oo Semi-finalka Champions League Isku Arkaya.

Hordhaca Real Madrid v Bayern Munich- Guardiola Iyo Ancelotti Oo Semi-finalka Champions League Isku Arkaya.

Real-Madrid-v-Bayern-Munich-446x319-419x300 (1)

Cristiano Ronaldo ayaa lafilayaa inuu kuso noqdo kooxda kulanka caawa ee Semi-Final ka Champions League, tababare Carlo Ancelotti ayaa sheegay inuu waqti danbe go’aan kaqaadan doono ciyaartsiinta 29-jirkaan maqnaa 4ti kulane udanbeesay ee kooxdu ciyaartay “Wuxuu heystaa isku day kale, waxaa hubaal ah inuu ciyaarayo haddi aan hubino inaysan jirin wax dhibaato ah” ayuu sheegay.
Bayern Munich tababaraheeda Pep Guardiola 6-mar uu booqday Santiago marna guuldaro kaso saarsan, si walbo macalinkii hore ee Barcelona ayaa hoos udhigay rikooskiisa Bernabeu Stadium isagoo sheegay “Rikoorkeyga halkaan, koox kale ayaan watay markaas, waqti kale ayeyna aheyd, xaalad kale ayaan kujiray, waxba uma tareyso Bayern, waa inaan muujinaa qaab ciyaareed wanaagsan oo aan kuciyaarno, waa inaa sidaas sameesa mar walbo oo aad kahortageyso Real Madrid, gaar ahaan marka ay Semi-Final tahay”.
Si kastaba ha ahaatee Bayern Munich ayaa reebtay 4-kamid ah 5-mar oo Los Blancos isku arkeen Semi-Final tartamada yurub, Real oo rikoor 9-koob oo Champions League ah heysata waxey 12-sano raadineesay Final ka koobkan iinay so gaarto.
“Kooxdu waxey heysatey kalsooni bilowgii xilli ciyaareedkaan, illaa haddana waxaan uciyaareynaa qaab wanaagsan, waxaan dooneynaa inaan guuleesano inta qof kaleba ay awoodo inay guuleesato, waa inaan soo xirogalinaa koobka 10aad taaso ah natiijo weyn xageena, waana midda maskaxda naga mashquulisay, wax walbo oo aweedeena ayaan sameeneena si aan ugu guuleesano” ayuu Carlo Ancelotti sheegay.