Jose Mourinho Oo La Xiriiray Weeraryahanka PSG Ezequiel Lavezzi

Jose Mourinho Oo La Xiriiray Weeraryahanka PSG Ezequiel Lavezzi

JOSI

Sport Witness ayaa ku warameysa in tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho uu xidhiidh shakhsiydeed la sameyay weeraryahanka Paris Saint Germain Ezequiel Lavezzi iyadoo ay wararka inta ku darayan inuu kala hadaly mustaqbalkisa Paris.
Jose Mourinho ayaa qorsheynaya inuu Paris Saint Germain ka soo afduubto xiddiga reer Argentine Ezequiel Lavezzi, marka uu dhamado xilli ciyaaredkan, waxana soo baxaya warar sheegaya in xiddigan uu dhankisa ka doonayo inuu isaga tago PSG.
Paris Saint Germain ayaa xiddigan ku soo iibsatay aduun lacageed gaaraya 25 Milyan oo Ginni oo uu kaga soo dhaqaaqy kooxda Serie ka ciyaarta Ee Napoli, wuxuna xiddigan wajahaya xiriir xumo kala dhaxeyda tababare Laurent Blanc.
Jose Mourinho ayaa xiddigan kala hadaly mustaqbalkisa kooxda ku ciyaarta gegeda Parc Des Princess Ee PSG waxayna u muuqata in xiddigan uu isaga tagi doono iyadoo Chelsea ay tahay kooxda kaliya Ee lala xiriirinayo Ezequiel Lavezzi.