Liverpool Oo Hal Gacan Ku Qabsatay Koobka Premier League Ka Dib Guul Ay U Dhidideen Oo Ay Ka Gaareen Norwich City

Liverpool Oo Hal Gacan Ku Qabsatay Koobka Premier League Ka Dib Guul Ay U Dhidideen Oo Ay Ka Gaareen Norwich City

LIVER POOL 2

Liverpool ayaa talaabo weyn u qaaday hanashada horyaalka Premier League ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen Norwich City oo marti loo ahaa, waxaana ay hogaanka horyaalka shan dhibcood kaga hayaan Chelsea iyadoo seddex kulan kaliya ay ka harsan tahay horyaalka.
Tababaraha Liverpool ayaa labo bedel ku sameeyay line-upkiisa iyadoo Sturridge uu kulankaan taam u noqon waayay halka Henderson uu ganaax ku seegay, waxaana boosaskooda lagu bedelay Lucas iyo Joe Allen.

LIVER POOL

Liverpool ayaana si raaxo leh ku bilaabatay ciyaarta iyagoo hogaanka u qabtay daqiiqadii 4aad ee ciyaarta markii Sterling uu kubad gantaal ah ka soo tuuray meel 30 yard u jirta goolka iyadoo goolhayaha Norwich uu u heli waayay wax fursad ah uu ku celiyo.
Lix daqiiqo ka dib xiddiga reer England ayaa kubad uu kaga soo galay garab bidix waxa uu ku quudiyay Luis Suarezkaasoo isna kubada dhinac ka dhigay goolhaye Ruddy, waxaana ay aheyd goolkiisii 30aad ee uu ka dhaliyo Premier League xilli ciyaareedkan.
Waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ee xilli ciyaareedkaan gara 30 gool.
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida ku aheyd Carrow Road ee Liverpool.
Laakiin kooxda Norwich City ayaa cusbo u yeeshay ciyaarta markii ay gool soo ceshteen daqiiqadii 54aad markii karoos la soo dhigay ay hal mar u wada kaceen goolhaye Mignolet iyo Bradley Johnson, goolhayaha ayaana kubada si fiican u bixin waayay taasoo keentay inuu helo Hooper oo uu shabaqa faaruq ah kubada cusjiyo.
Daqiiqadii 62aad ayayna Liverpool soo ceshatay hogaankeeda labada gool markii Sterling uu soo dhexmaray daafacyada Norwich islamarkaana darbadiisa ay ku dhacday ciyaaryahan taasoo keentay inay ka dulqaadanto goolhaye Ruddy oo shabaqa gasho.
Goolkaas ayaana ah goolkii 10aad ee uu Sterling ka dhaliyo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Norwich ayaana mar kale ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 77aad markii karoos uu soo dhigay Olsson uu madax ku dhaliyay Snodgrass. Taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-2 islamarkaana cadaadis badan saartay Liverpool.
Norwich ayaana sii waday cadaadiskeeda iyadoo tababare Brendan Rodgers uu doorbiday inuu daafac galo inta ka dhineyd ciyaarta, waxaana Mignolet uu badbaadiyay fursad halis ah daqiiqadii 83aad ee ciyaarta.
Halka Liverpool uu kubad dahabi ah ka qasaariyay waqtigii dhimashada ciyaarta Lucas iyadoo kubad ku taabsho ah uu u dhigay Luis Suarez.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-2 oo ay ku badisay Liverpool, iyadoo Reds ay u dhididay intii u danbeysay seddexdaas dhibcood, waxaana natiijadan ay ka dhigeysaa inay Liverpool hogaanka ku heyso shan dhibcood iyagoo leh 80 dhibcood halka Chelsea oo kaalinta labaad ku jirta ay leedahay 75 dhibcood.
Chelsea ayaana kula soo socda booqan doonta Anfield iyadoo markaas ka dib ay labo kulan u harsanaan doonto Liverpool Crystal Palace iyo Newcastle United.