Macalin Ku Nool Dalka Ingiriiska Oo Ardayad Soomaaliyeed Ugu Deeqay Mid Ka Mid ah Kelyihiisa.

Macalin Ku Nool Dalka Ingiriiska Oo Ardayad Soomaaliyeed Ugu Deeqay Mid Ka Mid ah Kelyihiisa.

1 Teacher

London(Salaanmedia.com)-Macalin wax ka dhiga mid ka mida dugsiyada Magaalada London ayaa dhawaan ugu deeqay mid ka mida kelyihiisa Gabadh Soomaaliyeed oo uu bare ama macalin u yahay.
Roy Coe oo 53 jir ah ayaa Caaliya Axmed Ali oo 13 jir ah ugu deeqay mid ka mida keliyihiisa ka dib kolkuu ogaaday in gabadha yari ay xanuun uga baaqaneyso waxbarashadeeda.

Caaliya Axmed Cali ayaa ah gabar ay Madaxa biyo fadhiyaan taas oo
sababtay in kelyeheeduna fariistaan.
Macalinka iyo Ardayadiisa ayaa maray baaritaano dhanka dhiig ah si loo ogaado in ay inkasta oo aaney isku jinsi aheyn hadan uu kelida ugu deeqi karo.
Dadka aan qaraabada aheen Ayaan inta badan aaney suurto gal aheyn in ay isugu deeqaan kelyaha waxaana deeqaha kelyuhu shaqeeyaan uun 100,000ba mid uun.
Macalinka ayaa sheegay in markii uu Caaliya aabaheed u sheegay in uu
kelidiisa siinayo ay Caaliya isku duubtay,waxaanu sheegay kolka uu
arintaa soo xusuutaba uu ilmeeyo.
Axmed Cali iyo bulshada ku nool xaafada uu ku yaalo Royal Docks
Community School ayaa xaflad abaalmarin ah u sameeyay Mr Coe.
Caaliya iyo macalinkeeda Mr Coe ayaa qaliin lagu sameeyay bishii
February ee ina dhaaftay waxaana labadoodaba haatan caafimaadkooda lagu sheegay caadi.
Waalidka Caaliya ayaa sheegay in macalinka uu gabadhooda fursad u siiyay nolol ay caafimaad sidii hore dhaanta ku noolaato.