Madaxweyne Caan ah Oo dadkiisa uga digay isticmaalka Internet-ka

Madaxweyne Caan ah Oo dadkiisa uga digay isticmaalka Internet-ka

madaxweynaha-75x50

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Internetka ugu yeeray mashruuc hay’adda sirdoonka ee Maraykanka CIA ay lee dahay, waxaana uu dadka Ruushanka uga digey in ay isticmalaan mashiinka baadhitaanka ee Google. Khudbad uu u jeedinaayey Saxaafaadda ayuu ka sheegey in Internetku u noqdey meel ay ilaashato CIA, wax kasta oo Google aad ka baadhidna uu yahay mid u keydsan iyaga, taas beddelkiisana ay isticmalaan Yandex. Putin ayaa tilmaamey in ay fududahay in la fahmo barta uga caansan Ruushka ee Internetka wax looga baro ee loo yaqaan Yandex. Inkasta oo uu ku dhaleeceeyey in ay iska diiwaan geliyeen dalal dibadda ah si ay uga baxsadaan cashuur. Yandex ayaa inta badan dalka Ruushka laga istimaala waxaana la sheegaa in uu Goog- ka horeeyo marka Ruushka gudihiisa la joogo. Hadaalka Putin ayaa imaanaya iyada oo dhawaan Baarlamaanka Ruushku meelmariyey shirkadaha iska leh Websiteyada xidhiidhiya Bulshadu in Serveradooda ay u soo wareejiyaan Ruushka, isla markaana macluumaadka dadka Ruushka aan lagu keydin karin meel ka baxsan Ruushka. Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa hore u ahaan jiray Jaajuus u shaqeyn jiray hay’addii sirdoonka ee Midowga Sofiyeeyti KGB, waxaana uu ka hawlgeli jirey Jarmalkii Bari.