Man City Oo U Awood-Sheegatay Southampton Gashay na Kaalinta Labaad Ee Kala Horeynta Horyaalka EPL ka

Man City Oo U Awood-Sheegatay Southampton Gashay na Kaalinta Labaad Ee Kala Horeynta Horyaalka EPL ka

Man cty

Manchester City ayaa soo gashay kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka ka dib markii ay 4-1 kaga takhaluseen kooxda Southampton oo marti ku aheyd garoonka Etihad Stadium.
Tababare Manuel Pellegrini ayaa hal bedel kaliya ku sameeyay line-upkiisii uu kala hortagay Arsenal horyaalka, iyadoo Aleksandar Kolarov uu daafaca bidix ka bedelay xiddiga reer France Gael Clichy.
City ayayna ku qaadatay kaliya seddex daqiiqo intii ay ciyaarta socotay inay hogaanka qabtaan, markii Fonte uu qalad xerada ganaaxa kula galay weeraryahanka City Edin Dzeko garsooraha ayaana tilmaamay gool ku laad.
Waxaa rigoodhaha u soo istaagay xiddiga kooxda Yaya Toure kaasoo si dhib la’aan ah u dhameystiray islamarkaana gool u sarifay, waxaana uu dhanka qaldan u diray goolhayaha Southampton Gazzaniga.Waxa ay aheyd rigoodhadii 7aad ee City loo dhigay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxaana ka badan kaliya Liverpool oo loo dhigay 10 rigoodhe.
Waxaa rigoodhaha u soo istaagay Rickie Lambert kaasoo gool u sarifay inkastoo uu goolhaye Joe Hart ka raacay, waana rigooradii 31aad ee uu dhaliyo 31 rigoore oo kulan horyaal ah oo uu Lambert u tuuray Saints.
Dzeko ayaa kubad cirib ugu dhiibay Silva kaasoo isna si fiican ugu sii dhigay Nasri oo aan qalad sameynin islamarkaana shabaqa ku hubsaday kubada.Silva ayaana tan iyo markii ugu horeysay ee uu ciyaaray Premier League bishii August 2010 waxa uu caawiye ka noqday 39 gool, mana jirto ciyaaryahan ka caawin badan mudadii uu Premier League joogay.
City ayaana islamarkiiba heshay goolka seddexaad intii aan waqtiga nasashada la gaarin iyadoo Nasri uu kubad u dhigay Kolarov kaasoo karoos fiican soo qaaday waxaana madax ku dhaliyay Dzeko kaasoo ay u aheyd goolkiisii labaad ee ciyaarta, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 3-1 oo ay City hogaanka ku heysay.
Daqiiqadii 80aadmarkii Jovetic uu bedel ku soo galay uu shabaga ku taabtay karoos dhulka ku socda oo uu soo dhigay Navas iyadoo kubada ay soo dhaaftay Negredo laakiin xiddigii hore ee Fiorentina ayaa shabaqa la helay. Waxaana ay aheyd goolkiisii ugu horeysay ee uu Premier League ka dhaliyo.
Waxaana ciyaarta ay ku soo dhamaatay guul ay u qalantay Man City kuwaasoo 4-1 kaga talaabsatay Southampton.