Muxuu Mourinho Ka Yiri Kulankii Ay Ka Badiyeen Liverpool?: Kooxdii Fiicneyd Ayaa Badisay

article-2614267-1D676A5100000578-878_964x386

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa ay maanta u qalantay guusha islamarkaana ay ciyaartoydiisa qabsadeen shaqadii uu u dirsaday.

Chelsea ayaa 2-0 kaga badisay Liverpool oo marti loogu ahaa garoonka Anfield iyagoo uga mahadcelinaya goolal ay u kala dhaliyeen Demba Ba iyo Willian.

“Kooxdii fiicneyd ayaa badisay aniga feker ahaanteyda. Ciyaaryahan walba waxa uu ahaa mid cajiib ah.” ayuu yiri Mourinho ciyaarta ka dib.

Mourinho ayaa sheegay in Chelsea aysan weli heysanin wax fursad ah oo ay ugu guuleysato horyaalka. “Chelsea weli fursad uma heysato hanashada horyaalka, laakiin waxa ay aheyd seddex dhibcood oo muhim ah oo aan ugu baahneyn booska seddexaad.” ayuu yiri.

“Chelsea waxa ay awoodaa i9nay dhahdo waxaan labada kulan ee horyaalka ka badinay kooxda hanatay horyaalka haddii ay ahaan laheyd Liverpool ama Man City.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isagoo ka hadlayay goolka Demba Ba waxa uu yiri: “Demba Ba waxa uu si fantastik ah ayuu goolka u dhaliyay, waxaana uu isku dejiyay goolhaye fiican hortiisa.”

Mourinho ayaa sidoo kale amaanay goolhaye Schwarzer isagoo yiri: “Schwarzer waxa uu u baahnaa inuu ciyaaro madaama uusan ciyaarin kulamo badan xilli ciyaareedkan waxaana ay maanta u fiicneyd kalsoonidiisa.”

Mourinho ayaa sidoo kale sheegay in John Terry uu fursad u heysto inuu ka horyimaado Atletico Madrid, waxaana uu ku qeexay ciyaarta daafaca dhexe ee da’da yar Tomas Kalas mid qurux badan