Nin Darbi Jiif Ah Oo Helay $37,000 Markii Uu Jabay Mashiinada Lacagta Lagala Baxo

Nin Darbi Jiif Ah Oo Helay $37,000 Markii Uu Jabay Mashiinada Lacagta Lagala Baxo

NIN DAR

Nin darbi jiif ah ayaa gacanta ku dhigey $37,000 doolar oo cash ah markii uu jabay mashiinada lacagta lagala baxo ee loo yaqaan ATM.
Sarkaal bileys oo layidhaah Todd Bernard ee gobolka Portland waa dalkaasi Maraykanka,ayaa u sheegay saxaafada,in markii hore loo yeedhay bileyska loona sheegay inaanu shaqaynaynin ATM ka.
“waxaa nala soo Hadley nin darbi jiif ah kaasoo jiifey bangiga dibadiisa. Kadibna waanala soo wacay markale waxaana naloo sheegay in uu ninkaasi qaatey lacag badan waqti hore oo uu kala baxay ATMka,” ayuu yidhi Bernard .
Markii uu bileyska soo gaadhey goobtii,waxay heleen ninkii oo bac weyn sita kana buuxaan lacag cash ah oo uu kala soo baxay ATM ka. Bileyska ayaa sheegay inuu ninkaasi gacanta ku dhigey waxka badan $37,000 oo cash ah markii ay soo gaadheen goobta.
Bernard ayaa sheegay in ninkaasi uu lahaa card ku jira $100 oo kaliya. Wuxuuna ku isticmaalayey mashiinka isagoo markastaba lasoo baxayey $700.
Saraakiishii bileyska ayaa lacagtii u gacan geliyey bangigii.