Nin Khiyaanay Xaaskiisa 8 Sano Kadib Markii Uu U Sheegtay Magac Been Ah

Nin Khiyaanay Xaaskiisa 8 Sano Kadib Markii Uu U Sheegtay Magac Been Ah

Man

Haweeney la degenayd ninkeeda 8 sanadood una haysay hal carruur ah ayaa ogaatey inuu khiyaaneeyey ninkeedii.
Gabadhan oo u dhalatey dalkaasi Zimbabwe, ayaa aad ula amakaagtey, markii ay ogaatey ninkeedii magaciisii saxda ahaa sideed sano kadib.
Gabadhan oo ahayd qof aad u samir badan lana yidhaah Ndou ayaa ka hor muuqatey xaakimkii caasimada dalkaasi ee in Bulawayo, iyadoo codsatay in ninkeedu siiyo biilka carruurta,oo ay iyadu u taqiiney ninkeeda Tawanda Mugwi.
Si kastaba ha ahaatee,markii la joogey maxkamada,ayaa ninkeedu wuxuu isticmaalay magaciisa saxda ahaa ee Jeremiah Govanayi.
“aad baan uga shalaynayaa inaan arrintan ku dhawaaqoI,laakiin magacaygu waa Jeremiah Govanayi waana magacayga runta ah,waana magaca iigu qoran kaadhka dhalashada,” ayuu usheegay xaakimkii maxkamadda.
“taasi waxay la micna tahay in sideedii sano ee u dambaysay,waxad xidhiidh qoto dheer la lahayd haweeneydan iyaduna maynan garanayn magacaaga saxda ah,” ayuu yidhi gadhsoorihii maxkamadda isagoo dhoola cadeynaya .
Govanay uma jawaabin wuuna aamusay xishoonayeyna. Xaaskiisuna aad bay u yaabayad iyadoo la yaabanayd sideedii sano ee ayla noolayd ninkeeda aysana ka warhayn magaciisa saxda ah.
“wuxuu iisheegay magacan Tawanda markii aan isguursanay.mana garanayo sababta uu ii khiyaamaynayey,” ayay tidhi Ndou iyadoo amakaagsan.
Xaaskiisa ayaa ka codsatay ninkeeda inuu bixiyo $163 oo ah biilka carruurta. Laakiin gadhsooraha ayaa ku amray ninkeeda inuu bixiyo $80 bishii.