Nin U Furay Xaaskiisa Khuurada Habeenkii Darteed

Nin U Furay Xaaskiisa Khuurada Habeenkii Darteed

Man 2

Nin u dhashay dalkaasi Yemen ayaa furey xaaskiisa sababtoo ah way khuurisaa habeenkii,isagoo sheegay inay diidey inay cuntada iska yarayso markii uu miisaankeedii kordhey, sida ay sheegen wargaysyada kasoo baxa dalkaasi.
Ninkan oo 40 jir ah , lana yidhaa Yassin, ayaa u sheegya maxkamadda inuu waydiiyey xaaskii ay yarayso wax cunida markii uu miisaankeedii ku kordhey 30 kg, miisaankeeduna waa 80 kg iminka, isagoo ku eedeeyey miisaankeeda culus ayaa sababay khuuradan aan joogsiga llahayn habeenkii.
“ma joojiso khuurada habeenkii xitaa daqiiqo yar habeenkii oo dhan way kuhuurisaa markaan usheegayna aroornimadana,waxay i tiraahdaa waad iska tegi kartaa hadii aadan u adkaysan Karin inkastoo aan leenahay saddex carruur ah,” ayuu yidhi ninkeedii.”
“waxaan ku baryey inay cunida yarayso iyo inay jimicsi samayso si uu miisaankeedu hoos ugu dhaci laakiin way iga diidey taladaydii iminkana wax aan sameeyo ma garanayo in aan furo mooyaane