Ninka dhamayska tiran ee ay gabadh kastaaba ku raad jirtaa waa kuma?!!

Ninka dhamayska tiran ee ay gabadh kastaaba ku raad jirtaa waa kuma?!!

NINKA DHAMAY

Waa kuma ninka ay gabadh kastaaba raadkiisa hayso? waxaanay laba dumari isku dhaafayni waa in ninka dhamayska tirani uu leeyahay calaamadahan soo socda:
• Gabadhu waxay jeceshay ninka runta sheega, iyada oo ka soo dheehata arinkan shakhsiadiisa iyo qaabka uu ula macaamilayo iyada, hadallada uu ku odhanayo, ninka runta badani waa ninka kaliya ee mutaystay kalsoonideeda, isla markaana ay ku xasiloontahay hadii uu ugu ballan qaado arin inuu ballankiisaa oofin doono.
• Ninka toosani waa ninka ay gabadhuhu raadiyaan, isaga oo shaqadiisa, reerkiisa iyo noloshiisaba si toosan u maamula, waana ninka garanaya macnaha dhabta ah ee uu leeyahay sugnaanshiyuhu.
• Ninka jecel reerkiisa waa nin guulaystay, waayo waxa uu markaste ka fikirayaa asaasida iyo dhidibbo u taagida reer, caruur dhalata isla markaana waxa uu raadiyaa xidhiidhada dhabta ah sidii uu u heli lahaa lamaane nolosha uu la wadaago, isla markaana reer u wada dhisaan.
• Ninka kaftanka badan, dabeecada wanaagsan isla markaana qalbiga jilicsan, waa nin aad u jecel xaaskiisa, waayo dumarku xaaladan waxay ninkan ka helaan nolol farxad badan oo ka madhan murugo iyo walbahaar.
• Ninka masuulka ah kaasi oo tunka u ridanaya culayska masruuf ee reerkiisa, gabadhu ninka noocan ah waxa ay agtiisa ka dareentaa amaan, waayo waxa uu dareensiiyaa isku filnaanshiyo maaliyadeed.

NINKA DHAMAY