PSG Oo Isku Dayi Doonta Inay Lawareegto Cristiano Ronaldo

PSG Oo Isku Dayi Doonta Inay Lawareegto Cristiano Ronaldo

PSG

Kooxda PSG ayaa soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto saxiixa laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo sida ay baahisay maanta Football Direct.
Shabakada ayaa sheegaysa in kooxda PSG ay isku diyaarinayso inay ka faa,idaysato mugdiga soo kala dhex galay taageerayaasha Real Madrid iyo Cristiano Ronaldo taas oo ku qasbi doonta inuu ogolaado inuu u dhaqaaqo kooxda ree France.
Ronaldo ayaa u saxeexay Real Madrid heshiis cusub oo ku eg ilaa 2018 lakiin PSG ayaan waxba u arag midaas iyagoo diyaar ula ah kooxda Real Madrid lacagta ay sheegato hadiiba ay ogolaato inay ka iibiso.
Shabakada oo soo xoganaysa qof ka tirsan kooxda PSG ayaa yiri “PSG marnaba kama hari doonto cayrsashada Ronaldo, waxay awood u leeyihiin inay ku dalbadaan lacag xoog leh suuqa kala iibsiga ee xaggaaga”.
“Ronaldo si dag dag ah ayuu ula qabsan doona PSG waayo wuxuu awoodaa inuu ka ciyaaro booska uu hada ka ciyaaro Cavani waliba si ka fiican sida uu u ciyaaro Cavani, dhabtii wuxuu ku fikiri doonaa inuu ka tago Real Madrid hadii jamaahiirta ay sii wadaan qaabka xun ee ay ula dhaqmayaan”.