Sideed Dadka Kale Fikradaada Uga Dhaadhicin Karta Una Noqon Kartaa Qof Awood U Leh Inuu Dadka Qanciyo?

Sideed Dadka Kale Fikradaada Uga Dhaadhicin Karta Una Noqon Kartaa Qof Awood U Leh Inuu Dadka Qanciyo?

lllllll

Inbadan oo inaga mid ah ayaa waxay maskaxdooda ku hayaan fikrado qiimo badan, balse waxay ku fashilmaan sidii ay dadka kale u gaadhsiin lahaayeen, taasi oo ay sabab u tahay qaabka aan fiicnayn ee uu fikradiisa u gudbinayo, hadaba si aynu u qancino dadka kale waa inaynu raacnaa qaabka ugu wanaagsan uguna haboon ee loo qanciyo bulshada.
Marka aad qof la hadlayso waa inuu kaa soo burqadaa kalgacal iyo dhibirsanaan kuwaasi oo meesha ka saaraya cuqdad iyo calool xumo uu qofku adiga kuu hayo amaba kuu hayn doono.
Hadaba faaido.com waxay idiin soo gudbinaysaa qaar kamida qaababka ugu wanaagsan ee dadka looga dhaadhiciyo fikradaada:-

Waa inaad ahaataa ugu horaynba mid ku qanacsan fikradaad rabtid inaad gudbisid: waayo waxyar oo gabgab ahi waxay sabab u noqon kartaa inaad gaadhsiin waydid fikradaada dadka kale.
Adeegsi weedhaha xikmadu ke dheehantahay ee koobsada macnayaal xaddidan: Sida: Hadii, Hadaba, Markay noqoto .. iwm, waayo weedhahani waxa ay kaa furanayaan hadal badan oo aad odhan lahayd, waxaanay toos u xaddidayaan fikradaada, kana digtoonoow weedhaha aan cadaanka ahayn, si aanuu madmadaw u galin hadalkaaga, iyo weedhaha macnayaasha badan xambaarsan.
Ka dheeroow muranka kaasi oo sababa isku dhaca: Marnaba adigu ha galin muran wax muran ah, hadii kale adiga ayaa guuldaraysanaya, hadii aad qofka kaa soo horjeeda ku oogtid xujjada, aad ku guulaysatid madasha, isla markaana aad aamusiisid, qofkaas kaasoo hor jeedaa ma aamusi doono kumana farxi doono, sidaas awgeed calool xumo ayuu kuu qaadayaa, halkaasna saaxiib amaba taageere ayaad ku waayaysaa, taasi oo sababaysa inay qaar kale kaa sii durkaan sababtuna ay tahay cabsi ay ka qabaan inaad sidaas oo kale u gashid.
U kala saar hadalkaaga laba qaybood oo muhiim ah:
Hordhac macne ku fadhiya: waana cadaymaha, xaqiiqooyinka iyo sababaha aad u tiirinaysid fikradada.
Natiijada: Waana hadafka iyo ujeedada aad rabtid inaad dadka gaadhsiisid, sida inaad tidhaahdid : Muwaadiniinta ka qayb qaatay dhismaha xisbigan ayuunbaa xaq u leh inay codeeyaan, cid kale oon ka qayb qaadan dhismaha xisbiga ma codayn doonaan.
Talooyin muhiim ah si aad dadka uga dhaadhicisid fikradaada:
ku bilaw inaad amaan usoo jeedisid qofka aad la hadlayso, una muujisid kalsoonida aad ku qabto awoodihiisa.
ka bilaw meelaha aad isku raacsan tihiin kana dheeroow meelaha aydun isku maandhaafteen.
Xushmee fikirka qofka aad la hadlayso, ixtiraam u muuji, hana ku odhan waad khaldantay.
Ha murmin marnaba
Hadii aad khaldanto amaba gaf la timaado, ka raali gali kafkaas.
marnaba ha cadhoon, isla markaana ahaw mid hadal dabacsan.
Ha ka dhexgalin qofka kale hadalka ee dhagayso.
Uga dhig sidii aydun isku fikir tihiin oo kale, adigoo dareensiinaya inaad fikradiisii uun u sharaxayso.
Jeclaysii qofka shaqadan aad u diraysid amaba fikradaad u gudbinaysid.
Ha usoo jeedin amarro, balse usoo bandhig aragtiyo quruxbadan.
Ku amaan waxyaaba aadka u yaryar, una muuji khaladkiisa adigoo si qarsoon ugu muujinaya.
Ha ku badin hadalka, si aanuu u caajisin.
Kula hadal dadka qofkasteba inta uu garaadkiisu leegyahay.
La kaasho walaaladaada kaa waawayn ee khibrada leh markaad u baahatid