Tababare Hore Oo Barca Oo Yiri: Messi Wuu Diiday Inuu Ordo Sababtoo Ah Waa Uu Neceb Yahay In Garab Laga Ciyaarsiiyo.

Tababare Hore Oo Barca Oo Yiri: Messi Wuu Diiday Inuu Ordo Sababtoo Ah Waa Uu Neceb Yahay In Garab Laga Ciyaarsiiyo.

Messiii

Macalinkii hore ee Barcelona Radomir Antic ayaa aaminsan in xiddiga Blaugrana Lionel Messi inuu si u la kac ah uu uga baaqday inuu saameyn ku yeesho kulankii ay kooxdiisa guuldarro 1-0 ka soo gaartay Atletico Madrid madaama uu ka careysnaa in garab laga ciyaarsiiyo.

Xiddiga reer Argetina ayaa si weyn loo dhaleeceeyay kulankaas ka dib markii uu orday kaliya 6.8 kiilomitir iyadoo Barca laga saaray Champions League, Antic ayaana la meel dhigay xaalada Messi ee tababare Martino mid la mid ah tii Rivaldo ee kooxda markii uu joogay Louis van Gaal xilli ciyaareedkii 1999-2000.

Van Gaal ayaa ku qasbay xiddiga reer Brazil inuu ka ciyaaro garabka bidix inkastoo ciyaaryahanka uu doonayay weerarka dhexe taasoo keentay in labada nin ay xiriir xun yeeshaan.

“Messi wax badan ma uusan ordin sababtoo ah tababaraha ayaa u sheegay inuu u ciyaaro sida garab. Waxaana ay aheyd qaab uu Messi ugu sheegayay haddii aad dooneyso inaan ka ciyaaro garab kaliya sidaan ayaan sameyn doonaa” ayuu Antic u sheegay Goal.com

“Xaaladan waxa ay la mid tahay wixii ka dhex dhacay Van Gaal iyo Rivaldo. Van Gaal waxa uu ku qasbay Rivaldo inuu ka ciyaaro bidix, mar kasta uu Rivaldo kubad helana waxa uu dib ugu celinayay Winston Bogarde.

“Waa iska cadahay in Barcelona ay dhibaato weyn heysato. Sidee ayay u doonayaan in u wada ciyaaraan Messi, Neymar iyo Andres Iniesta?

“Ma qabo in Messi uu aqbali doono inuu ka ciyaaro garab weerar ka dib wax walba uu u soo qabtay Barcelona. Waxa uu dhihi doonaa ‘Haddii aad dooneysaan inaan garab ka ciyaaro waan ka ciyaarayaa halkaas laakiin inaan ciyaarta sameyn ku yeelanayo waa wax kale