18 MAY: WAXBAA KA DHINNAA……Cabdiweli Faarax Jaambiir

18 MAY: WAXBAA KA DHINNAA……Cabdiweli Faarax Jaambiir

QALINKII

Maanshallaa Maanshallaa! Sidii ugu quruxda badnayd ayaa loogu soo baxay munaasibadii 18 May. Xukuumad iyo shacbiba waa la muujiyay qiirada waddaniyadeed iyo rabitaanka aanay cidina ruxi karayn. Qofkasta oo muwaadin ah wu uu ku farxo ayaa lagu soo bandhigay guud ahaan dalkan Somaliland. Waa hubaal in Somalilander-kastaa uu ku diirsaday sida loo maamuusay maalinta la soo noqoshada qaranNimada Somaliland. Run ahaantii waxa dhacay wax cadaw ka naxo reer Somaliland-na farxad galinaya. Inkasta oo horaba loo soo xusi jiray munaasibadda maalinta gooni-isutaaga Somaliland, hadana waxaad moodaa inay laba-kaclaysay intii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qabatay hoggaanka dalka, hase ahaatee, tan ugu dambaysay oo dalka oo dhan iyo meelo caalamka ka mid ah looga dabaal dagay ayaa noqonaysa munaasibaddii ugu meeqaamka sarraysay ee waligeed ina soo marta. Runt ahaantii aad ayaa loo wayneeyay maalintan ku suntan aayo ka tashiga Qaranimada Somaliland. Hase yeeshee, haddiii aynu intaa ka gudubno, waxa la odhan karaa munaasibadan waxbaa ka dhinnaa! Waxbaa meesha ka maqnaa! Guddidyadii qaban-qaabadu arrin muhiima ayaanay xisaabta ku darin! Waa hubaal in inbadan indhahoodu ilmayn lahaayeen haddii meesha la keeni lahaa waxa ka dhinnaa! Aan ku soo durkee, ilaa maanta marka xuskan oo kale la samaynayo waddan kastaaba wuxuu iyadoo la sharfayo, la cisaynayo, loo saro kacayo uu safka hore soo dhiga ciddii ka joogta markaas halgamayaashooda oo billad sharaf ku taxanyihiin. Tusaale ahaan Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo inbadan oo caalamka ka mid ahiba xusaska qaranimadooda waxay soo horraysiiyaan xataa inta ka nool askartii dagaalkii labaaad ee dunida ka soo doogtay. Laakiin, nasiib-darro inagu wali maynaan garan hadhaagii halgamayaashii SNM inaynu ku qiimayno maalintan qaranimadeena u astaysan ee inta Ilaahay ka sokaysa ay iyagu horseedeen. “Wallaahay maanta waan ilmaynayaa farxad owgeed, waayo siddeed sannadood ayaan qoriga u sitay,” sidaa waxa yidhi Mujaahid sheegay inuu ka tirsanaa ciidamadii SNM oo Weriye TV wax waydiinayay bal qiyaas haddii mujaahidkan isaga iyo saaxiibadiisii la midka ahaa inta ka nooli ay munaasibadda mari lahaayeen iyagoo magacoodii hore iyo dirayskii ay ku dagaalamayeen sita. Waa xaqiiq in dareenkooda dhintay soo noolaan lahaa oo ay u arki lahaayeen in dadkii ay u soo halgameen qaddarinayaan. Sikastaba ahaantee munaasibadii 18MAY waxa ka dhinaa muujinta iyo qaddarinta kuwii iska xil-saaray keenitaanka maalintan inagu wayn. Waxa laynooga baahan yahya in dabaal degyada xusaska dambe sare loo qaado magicii Ururka dib u xorayn SNM, si muuqatana looga qay-geliyo xuska munaasibadda. Waxa intaa ii dheer in Jimciyadda Sooyaal oo ay ahayd inay ka hawl-galaan waxyaabaha la xidhiidha arrimaha aynu ka soo hadalnay aanay meeshaba ka muuqan oo loo qaadan karo in hawlihii loo igmadayba ay hurdo dheer ka galeen. Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa qoraalkaygan inta dagaal-yahankii iyo magicii Ururka dib-u-xoraynta SMN uu dhulka yaalo aynaan meelna gaadhayn