Badhasaabka Gobolka Togdheer Halkan Haka Bogto taariikhdii 27 kii may lagu xoreeyay magaalada burco halgankii qadhaadhaa ee S.N.M

Halkan kaga bogo taariikhdii 27 kii may lagu xoreeyay magaalada burco halgankii qadhaadhaa ee S.N.M

Muj Axmed Mire

Maalmo ka hor 27 May 1988 waxay ahayd wakhti aad iyo aad ugu adag jabhadii S.N.M iyo taageera yaasheediiba, waayo waxaa heshiiyay labadii hogaamiye ee Somalia iyo Ethiopia, Siyad barre iyo Me ngistu,waxaa dallow ka dhacday rejadii shacabka,waxkastana waxay ka fisheen dhinaca guuldara da,werwerka,malo awaalka,anfariirka iyo rajo xumadu waxay noqdeen kuwo wehel u ah dadkii ku n oolaa Gobolada Waqooyi ee SOMALIA. Maalmahaas heshiisku dhacay xitaa Gudoomiyihii S.N.Mta Ah med Siilanyo oo dareensan rajo xumada jamhada S.N.M iyo shacabdkeeda soo wajahay,dhinaca kale na iska diid siinaya heshiiska labada dawladood gaadheen ayaa la hadlaaya idacada BBCda laante eda afsomaliga bal si uu in uun rajada umada usoo nooleeyo,wuxuuna bixinayaa waraysigii fariinta xambaarsana ee ay ereyadiisa ka midka ahaayeen DAWLADUHU HADII AY DOONAN HA HESHIIYEEN LAKIIN INTA DULMIGII AANU KA DAGAALAMAYNEY JIRO HALGANKA JOOJIN MAYNO!!!.Isla maal maha s waxaa la isugu yimi jiida hore ee Dagaalka magaalada DHUUBO-GUDUUD,hadii ay tahay gudoomiyihii ururka iyo dhamaan garabkii ciidamada iyo kii siyaasadaba iyo waxgaradkii kale ee uruka taageeri jiray oo dhanba.

wakhtigu aad ayuu cidhiidhi u ahaa waxkastaana si degdeg ah ayay ku soconayeen ajandaha keliya ee meesha yaalayna wuxu ahaa KALA DOORO LABA DARAN,qofkasta oo maalmahaas jiida hore joo gay maskaxdiisu aad ayay u shaqaynaysey oo intaas oo kun oo fikradood ayay daqiiqadiiba soo tuu raysey,habeenkii marka la gaadho hurdadu cirka ayay ku laalmaysey,waxaa xad beelay qaadka la cunaayo,si fikradaha saxan loo helo,mashquulka kalena maskaxda looga ilaaliyo,waana la wada jiba ysnaa waxay talo ku soo ururtay in gudaha la isugu shubo,gudidii dagaalka ayaana la iska dhex do ortay.

Gudidii dagaal gelinta S.N.M ee kaartada dagaalka dejisay waxay kala ahaayeen.

1.Muj. Jaamac cali cilmi (Guddoomiye)

2.Muj. Maxamed Kaahin Axmed

3.Muj. Xasan Yonis Habane

4.Muj. C/samad Xaaji C/laahi

5.Muj. C/laahi Maxamed

Gudidani wakhti aad u kooban gudahood ayay ku soo diyaariyeen,kaarto dagaal tii ugu quruxda bad nayd,weliba sidii ay ugu talo galeen hadii ama u dhigeen hadii ay u dhici lahayd oo Burco iyo Hargey sa isku maalin lagu dhufan lahaa,guul aad u baaxad weyn iyo khasaare ka yar kii markii markii danbe dhacay ayaa soo hooyan lahayd,lakiin si ay ku dhacdayba afar cisho ayuu ciidankii kala danbeeyay.
Waxaa meel la isugu wada keenay ciidamadii S.N.M,iyo wixii hub iyo gawaadhi iyo shidaal la hayayb a,labadiii eeg ee S.N.M ee aaga galbeed iyo aaga bari,waxaana magac ahaan loo bedelay aaga mak ka iyo aaga madiina.

Waxaa dhamaan deegaanka S.N.M isa soo dul taagtay daruurta GEERIDA waxaase ku lamaanayd d aruurta XORIYADA,qofwal wuxuu go,aan saday inuu nafta iyo maalkaba huro,waxaana caloosha la gu adkaysanayay gabayo qarniyo hore la mariyay oo ay ka mid ahaayeen, hadaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye,dhaqashiyo marbay kaa yihiin dheregu xaaraane iyo gobanimo bilaash looma helo ban iska taal taale, iyo gobanimadu waa geed ku baxa dhiiga geesiga.tabaabushe deg d eg ah ka dib waxaa meesha la yidhaahdo Samatar Axmed,lagu diyaariyay 1200 oo mujaahid,waana ciidankii aaga MADIINA, ee burco weeraraayay,waxayna kasoo dhaqaaqeen Samatar Axmed 26.5.1988.

Ciidankaas aaga Madiina waxaa hogaankooda guud ahaa,Muj. Axmed Mire Maxamed, abaanduulena waxaa u ahaa Muj.Aadan Saleeban Cali. (Ma gubte), taliyaha hawl gelinta waxaa ahaa Muj.Xuseen Axmed (kharash yare).

Waxaana weliba ciidankaas loo sii qaybiyay laba qaybood oo ka koobnaa qaybta 1aad iyo qaybta 2aad waxaana kala hogaaminayay labadaas qaybood.

QAYBTA 1aad waxaa hogaaminayay Mujaahidiinta kala ah.

1.Muj. Xasan Cali Abokor
2.Muj. Muuse xasan Dhunkaal (Muuse Bidaar)
3.Muj. Ibraahim jaamac Dhiif (HA LIQIN)
4.Muj. jaamac Digale Ducaale
5.Muj. Maxamed Yusuf

QAYBTA 2aadna waxaa hogaaminayay mujaahidiinta kala ah

1.Muj. Axmed Macalin Haaruun
2.Muj. Maxamed Cali Faarah
3.Muj. Maxamud Maxamed Xandulle ( oo ahaa saraakiishii ugu da,da weyneyd S.N.M, 77kiina gacan wax ka noday)
4.Muj. Cumar Maxamed

Ciidankaas S.N.M ee Burco galay waxay wateen.

4 Siikaawe
2 beebee
2 Jiib
2 ZUU 23
Iyo 30 gaadhi oo xamuul ah, waxayna wajahayeen ciidamadii gaaska 3aad ee qaybta 26aad ee xoo ga dalka somalia oo ka koobnaa.

4 Guuto oo Ciidanka dhulka ah.
1 Guuto oo Tankiyo ah ama KAARAYAAL sida aad u taqaanan
2 Guuto oo Madaafiicda Goobta ah
iyo hal urur oo ah hubka wax gumaada ee PMka loo yaqaan.

Ciidankaas S.N.M ee ka soo dhaqaaqay Samatar Axmed waxay xuduuda ka soo galeen meesha la yi dhaahdo SIBIDHLEY waxayna soo mareen DHOQOSHEY, marka ay marayaan meesha la yidhaahdo X AYDH DUCATO ayay iska heleen xooga faqash ah lakiin baabuurta loogama degin ee markiiba way k ala yaaceen faqashtaasi markii la rasaaseeyay, waxay habeenkii oo dhan soo socdaanba ciidamadii S.N.M waxay dul yimaadeen magaalada burco intaan waagu beryin,halkaas ayayna ku kala qaateen go,aamadii ugu danbeeyay ayna isku kala qaybiyeen.

Markeliya ayay subaxnimadkii 27 may 1988, maalin jimce ah ay burco ku waa bariisatay ALLAHU AK BAR iyo sanqadha rasaasta daqiiqado gudahoodna hugunka hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Bu rco is wada gaadhay,hadii ay mujaahidiinta S.N.M ahayeen 1200 nina,daqiiqado gudahood ayay Bur co oo dhami S.N.M ku wada noqotay, ALLAAHU AKBAR, dhalinyaradii hubka ayay wada qaateen oo boobeen, hooyooyinkii quraacda ayay S.N.M la daba ordayaan, islaamihii waaweyna ama ayeeyooy inki Ciida ayay S.N.M ka daba saydhayaan iyaga oo in ilaahay beleda iyo xabada ka xijaabo iyo inay guulaystaan ilaahay uga baryaaya.

Waxaa cagta la mariyay dhamaan ciidamadii FAQASHTA ee gaaska 3aad ee burco ku sugnaa,waxan a la laayay dhamaan saraakiishoodii oo dhanba oo ay ka mid ahaayeen

1. Gashaanle Sare CADCEED oo ahaa hagoomiyihii ciidanka Gaaska 3aad
2. Captain Maxamed Abshir (kabtan faalso) oo ahaa Taliya Bilayska Burco
iyo boqolaal kale oo aynaan halkan ku soo koobi karin,iyo kumanaan ciidamadoodii ahaa,waxayna noqdeen wax dhinta,wax is dhiiba iyo wax yaaca oo oo firdhadkii meelay mareen la waayay. Jabkii maalintaas Faqash ku dhacay kamay soo kaban,waxayna bilaabeen inay shacabka diyaarado ku duq eeyaan, xabadii maalintaas BURCO ka bilaaban tayna laba sano iyo badh gudahood ayay SOMALIA oo dhan ku wada gaadhay,xukunkii siyad barrena ku soo afjar tay