Badhasaabka G/Togdheer Oo Si Badheedha U Taageeray Maayerka Iyo Ku Xigeenkiisa Degmada Burco Dhaliilana u Soo jeediyay Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Ee Dhaliilay Maayerka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Maalmahanba Buuq Ka Taagnaa Maamulkooda Degmada

Badhasaabka G/Togdheer Oo Si Badheedha U Taageeray Maayerka Iyo Ku Xigeenkiisa Degmada Burco Dhaliilana u Soo jeediyay Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Ee Dhaliilay Maayerka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Maalmahanba Buuq Ka Taagnaa Maamulkooda Degmada

Badhas Maayer

Burco(Salaanmedia.com)May.21.2014-Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer , waxay jawaab kaga bixiyeen eeddeymo xubno ka mid ah Golaha Deegaanku.u.soo.jeediyeen.Maayirka.

Xildhibaanada ayaa dhawaan Maayirka ku eedeeyay inuu iibiyay Dhul Dawladdu leedahay, waxaanu markaasi ku maqnaa Itoobiya.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa Mudaneyaasha dhaliilay maayirka ka dalbaday inay Miiska wada hadalka yimaadaan eeddaynta horteed.

“qaar xildhibaanada Golaha degaanka Burco ka mid ah oo xili aan munaasib ahayn oo 18 may aynu ku jiro,waxaa leeyahay umadi waxay umad ku tahay wada shaqaynta,maayarku markii ay nimankaasi hadleen wuu maqnaa oo Adis ababa ayuu ku maqnaa,waxaan la yaabay raga halkaas ka hadlay nin kamaan arag dhibaato jirta iimay sheegin iyagoo tiifiiga ka hadlay uun baan ku baraarugay,fudayd aan loo baahanayn bay ahayd,waxaan leeyahay nimankaa xildhibaanada taasi dhacday ee yaanay dib u dhicin,wixii tabasho ah in laga wada tashado oo lays wadiiyo weeyaan”.

Maayirka Magaalada Burco Maxamed Muraad oo isna hadlay ayaa sheegay inaanu la yooyootamayn Mudaneyaasha hadlay, balse hadii ay wax tabanayaan waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay.

”Anigu dhalinyaro ma ihi ee nin wayn baan ahay,waxaana jira in aan waxyaabaha qaar aan lagaga hadal saxaafada,wali iimay iman oo may odhan waxaasaa khaldan,Adis ababa ayaan ku maqnaa oo markii ay xildhibaanadani hadleen,hadii ay sidaas yeeleena oo ay waxaan jirin sheegeen la caytami maayo”

sidoo kale maayarku waxa uu waxba kama jiraan ku tilamaamay dhul ay xildhibaano ku eeedeeyeen,waxaanu sheegay inaanay jirin wax dhul ah oo ay iibiyeen.

Ma jiro wax ah oo ka soo baxay dhanka Xildhibaanada Eeddeymaha u soo jeediyay Maayirka Jawaabta uu bixiyay kaddib.

Balse sida laga war qabo Khilaafyada Golleyaasha Deegaanka iyo Shir-guddoonkooda ka dhex dhacda badanaa ayaa salka ku haysa arrimaha Dhulka.

Salaanmedia