Booliiska Liverpool Oo Baaraya Midab Takoor Lagula Kacay Demba Ba

Booliiska Liverpool Oo Baaraya Midab Takoor Lagula Kacay Demba Ba

Liver Poollll

Booliiska Liverpool ayaa baaritaano kuwada warar sheegaya in taageerayaasha kooxda Liverpool ay kula kaceen Demba Ba midab takoor kadib kulan kii axadii ka dhacay Anfield.
Booliiska ayaa sheegaya inuu soo gaaray war sheegay in laba laacib ay la kulmeen cunsurinimo kulan kii axadii dhex maray kooxaha Liverpool iyo Chelsea.
Waxaa soo baxay in mid ka mid ah labadaas laacib uu yahay weerar yahanka muslim ka ah ee kooxda Chelsea Demba Ba kaas oo ay kula keceen hadalo cunsurinimo ah taageerayaasha Liverpool kadib markii uu ka dhaliyay goolka koowaad qaybtii hore oo sii dhamaanaysa.
Qof ku hadlay magaca Boolisska Liverpool ayaa yiri “Maanta waxaa suuro gal ah in Booliiska ay sameeyaan baaritaano kadib markii ay ogaadeen laba laacib oo midab takoor lagula kacay intii ay socotay ciyaartii Liverpool iyo Chelsea”.
“Ilaa hada Booliisku mahaayo dacwad rasmi ah oo la soo gaarsiiyay taas oo ku saabsan arinkaan, lakiin waxaa socda baaritaano ku saabsan arinkaas”.