Brazil: Darawalladii Gaadiidka Dadweynaha oo shaqo joojin bilaabay, Xilli laba toddobaad ka hadhsantahay bilaabashada koobka adduunka

Brazil: Darawalladii Gaadiidka Dadweynaha oo shaqo joojin bilaabay, Xilli laba toddobaad ka hadhsantahay bilaabashada koobka adduunka

Baraziil

Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa shaqo joojin ka bilaabay qaar ka mid ah magaallooyinka waaweyn ee waddanka Brazil waqti laba toddobaad, kaddib uu dalkaasi ka bilaami doono Ciyaaraha Koobka Adduunku. Shaqo joojintan ayaa waxay ka dhacday qaar ka mid ah magaalooyinka Rio de Janeiro, Salvador iyo Sao Paolo kuwaasoo lagu qaban doono kulamada Koobka Adduunka. Shaqaalaha ayaa dalbanaya in loo kordhiyo mushaarkooda oo la gaadhsiiyo illaa 12% halka haatan uu ka yahay 9%, waxaana haddii sheekadani sii socoto ay dhabar-jab ku noqonaysaa dalxiisayaasha u soo daawasho tegaya Brazil inta uu socdo Koobka Adduunka iyadoo uu gaabis noqon doono isu socodku. Sidoo kale shaqaalaha Metro-ga magaallada Sao Paolo ayaa iyaguna ku dhawaaqay in ay shaqada joojinayaan 5-ta bisha soo socota ee June iyadoo toddobaad, kaddibna lagu ballansan yahay in ay ciyaaruhu billowgood. Dhinaca kale dowladda Brazil ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan shaqo joojinta ah , waxaana arrimahani ay ku soo beegmayaan iyadoo dhowaan mudaaharaadyo rabshado wata ay ka billowdeen dalkaasi kuwaaso lala eeganayo madasha ciyaaraha Koobka Adduunka.