Ciidamadda Qaranka Iyo Maxad-dhaqmeed Oo Fashiliyey Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somalia Iyo Wefti Uu Hoggaaminayey Oo Damcay Inay Soo Galaan Magaalo Somaliland Ah

Ciidamadda Qaranka Iyo Maxad-dhaqmeed Oo Fashiliyey Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somalia Iyo Wefti Uu Hoggaaminayey Oo Damcay Inay Soo Galaan Magaalo Somaliland Ah

Ciidanka Qar

Widh-widh, 03 May (Salaanmedia.com) – Madax dhaqameedka deegaamada ku dhaqan widh-widh, ayaa shalay iska hortaagay inuu soo galo magaalada Widh-widh Cali Khaliif Galaydh iyo Wefti Qurba-joog ah oo ay isku beel yihiin oo ku wehilnaya socdaalka, isla markaana waxa la sheegay in madax dhaq-meedka reer widh-widh kulan ay is-kugu yimaadeen go’aan ku gaadheen innaanay soo gali Karin magaalada Widh-widh. Halka la sheegay in u-jeeddada socdaalkoodu ahayd sidii Madax-dhaqmeedka, Odayaasha iyo waxgaraadka ku teedsan deegaanka Widh-widh, ay kala hadlaan shir la sheegay in Galaydh iyo koox Qurba-joog ah ka abaabulayaan Degmada Taleex, balse markii Madax-dhaqmeedku ka war-helay socdaalkooda isla qaateen innaanay diyaar u ahayn hawlaha shirka la sheegay in kooxdaasi doonayso inay ku qabtaan magaalada Talleex. Taliyaha ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay magaalada Widh-wedh Mahdi Canbaashe oo Wariyaha Wargeyska Ogaal uga soo warama Ceerigaaba Cabdirisaaq Tirra oo xalay khadka Telifoonka kula xidhiidhay isagoo ku sugan magaalada Widh-widh, ayaa u xaqiijiyey in shalay duhur-nimaddii weftigaas Ciidanka qaranka ee ku sugan deegaanada Widh-widh ay dib uga celiyeen Cali Khaliif iyo weftigii la socday, ka dib markii Madax-dhaqmeedka, waayeelka, waxgaradka iyo Ciidankuba isla qaateen inaanu Cali Khaliif iyo cidda uu wataaba aanay soo geli karin widh-widh, kuwaas oo uu sheegay markii madax-dhaqmeedka iyo waxgaradku ka war-heleen inay duleedka Widh-widh soo gaadheen weftigaasi waxay Ciidamada qaranka ee saldhiga Todobaad oo fadhigoodu yahay widhwidh ka dalbadeen in aanay weftigaasi soo gelin gudaha magaalada iyagoo uga digay in imaatinka weftiga Galaydh keenayso isku dhac bulshada dhex-deeda ah, halkana aan looga diyaar ahayn inuu yimaado, isla markaana waxa uu sheegay in halkaas Ciidamaduna amar ku siiyeen inay dib Xog-hayaha Degmada Widh-widh Injineer Maxamed C/risaaq Xirsi oo isaguna khadka Telifoonka ugu waramayay Wargeyska Ogaal, waxa uu yidhi, “Kolkii weftiga laga Xaarantimeeyey inay widh-widh galaan waxay ay ka wareegeen dhinaca bali-cad iyo Xamar lagu Xidh oo ku yaal xadka Itoobiya halkaas dabadeed waxay ka galeen magaalada Buuhoodle,”ayuu yidhi Maxamed. Xog-hayaha oo arrimahaas ka sii hadlayana waxa uu hadalkiisii sii raaciyey, “ Xog-hayuhu sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in hore bulshada reer Sool iyo Cayn ay ugu khasaareen siyaasada Cali Khaliif Galaydh oo ku salaysan burbur, dib-u-dhac iyo dantiisa oo qudha