Daawo Sawiro…Sida looga xusay 18 May dalka Sacuudi Arabiya iyo bulshada Somaliland oo si weyn uga soo qayb galay.

17

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xaflad aad u qaayo badan oo loogu dabbaal-dagayo Sannad-Guuradii 23naad

ee ka soo wareegtay la so noqashadii Gobanimada iyo Dawlnimadii Somaliland

ee 18ka May ayaa ka qabsoontay Magaalada Jiddah ee Dalka Saudi Arabia habeynkii Isniintu soo galaysay ee ku beegneyd 18/5/2014ka. 

 Xafladdaas waxa isku soo duba-riday soona agaasimay Guddida Jaaliyadda

Somaliland ee Jiddah-KSA. Halkaas oo Dadweynihii ka soo qalay ay ku muujiyeen Midnimada iyo Qarnimada Soomaliland.

Habeynkii Xafladda waxa iyaguna madasha ku sugnaa Marti-sharafeed ay ka mid ahaayeen:

  1. Mudane, Cabdi-Risaq Jaamac Cumar (Ciyaale)-Guddomiyaha Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Somaliland.
  2. Mudane, Maxamed-Rashid Muxumed Farax – Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)
  3. Mudane, Cisman Aw Faarax – Mas’uul ka mid Shirkadda Deero-Group.

 

ALLAH MAHAD LEH

 

Sicid Axmed-Salan                                                                            

 Jaaliyadda SL-Jeddah, KSA  

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 12 13 14 15 16 17 18 19