DAGAAL DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY OO KA DHACAY DEEGAANKA U DHAXEEYA BUUHOODLE IYO QORILUGUD

DAGAAL DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY OO KA DHACAY DEEGAANKA U DHAXEEYA BUUHOODLE IYO QORILUGUD

Buhodle Daga

Buuhoodle(Salaanmedia.com)-Wararka Naga Soo Gaadhay Deegaanka Kalshaale ayaa Waxay Sheegayaan in Xalay(Habayn Hore) u dagaal foolka fool ahi dhex maray laba maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo Qorilugud .
Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu dhexmaray kooxo reer guuraa ah oo ka soo kala jeeda degaanada Qorilugud iyo Buhoodle .halkaas oo ay isku adeegsateen hubka noocyadiisa kala duwan iyada oo ay labada maleeshiyo beeleed mudo saacado ah ku dagaalamayeen goobataas.
Rabshadahan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili ay xukuumada siilaanyo wafti nabadan ah u dirtay degaankaas . waftikaas oo uu horakacayey wasiirka macadanta iyo kayraadka Somaliland iyo xubno ka tirsan golaha guurtida somaliland.
Dagaal kandhexmaray labada maleeshiyo beeleed ayaa sababaykhasaaredhimasho iyo dhaawacba leh.
Laba nin ayaa ka dhintay laba dhican waxaana Labadaasi nin Lagu Aasayaa Xabaalaha Ku Yaala Dhinaca Woqooyi Magaalada Buuhoodle..
Wararka Naga soo gaadhay deegaanadaas ayaa tibaaxay in xaalaadu tahay mid kacsan iydoo laga cabsi qabo in dagaal dhex maro labada beelood hadaan xukuumad Somaliland ciidamo u dirin
Si kastab ha ahtee dagaalada u dhexeeya labada beelood ee qorilugud iyo Buuhoodle ayaa u muuqda kuwa soo noq’noqda oo aan xal nabadeed laga gaadhin .taas oo ay xukuumada Axmed siilaanyo ka gaabisay nabadaynta labada beelood.

Salaanmedia/Burco