Daraasad lagu Iftiimiyey in Da’da qofka lagu ogaado gacan qaadka

Daraasad lagu Iftiimiyey in Da’da qofka lagu ogaado gacan qaadka

Salaan

Khubaradan waxay soo bandhigeen in habka qofku u gacan qaado hadday noqoto hab dabacsan, adag ama ay ka muuqato awood darro ay ku tusayso da’diisu halka ay taagan tahay. Koox ka socota Machadka Caalamiga ah ee cilmi baadhista (International Institute for Applied System Analysis) ee dalka Austria, ayaa soo bandhigay Cilmi baadhis ay ku muujiyeen in habka qofku u qacan qaado dadka xilliyada uu salaamayo ay muujiso da’diisa dhabta ah. Cilmi baadhayaashan waxay aaminsan yihiin in tijaabada gacan-qaadku tahay mid lagu ogaan karo da’da dhabta ah ee qofka. Daraasadan oo lagu daabacay jariirada Science One waxaa dib u eegis lagu sameeyey 50 daraasadood oo lagu eegay da’aha kala duwan ee bani aadamka. Dr. Scherbov oo ka mid ah cilmi baadhayaasha ayaa waxa uu sheegay in ujeeddadoodu tahay in ay gacanta ka cabbiri karaan da’da bulshada qaybaheeda kala duwan.