Farrin Ku Socota Wiilasha Guurdoonka Ah(Digniin)

Farrin Ku Socota Wiilasha Guurdoonka Ah(Digniin)

mariage

Aduunka Dadka jooga qof walba waxaa uu jecelyahay in uu noqdo qof leh reer isaga u gaar ah kaas uu ku nasto ama uu ku raaxeysto si uu uga nasto dhibaatadii soo gaadhay xiligii uu u jiray reer la.aanta ama iskaabulada.
Hadaba markaad dooneyso in aad guursato gabadh waxaa laga rabaa in aad meelo badan wax ka eegto si aadan ugu khaldamin gabadh aan ku qalmin ama dhibaato kale aad kala kulmi karto hadii aad guursato lana wadaato nolosha.
Waxaa jira qodobo la doonayo in aad iska eegto intaadan guursan hadii kale waxaad noqon dontaa qof la kulma caqabado kale duwan oo markii hore la xalin karayay intaadan guursan ka hore.

Halkaan waxaan idin kugu soo gudbin donaa Lix qodob oo laga doonayo in aad iska eegto intaadan guursan ka hore.
1: Hadii aad ku aragto Balan ka Bax badan Ha Guursan ..
2: Xiliga haasawaha ama sheekada Hadii aad ku Aragto Telfoono Badan oo Soo Dhacaya Ha guursan.
3: Haddii aad Gurigooda Tagto oo aad Argto Nadaafa Daro ka leexo Waa basari .
4: Hadii aad Aragto iyadoo Waalidka ku Af Celineysay Ka Leexo Waa Caasi waalideyn.
5: Hadii ay ku weydiso Lacag Xiliga haasawha Dhowr jeer Waa Mid aan u Wanagsaneyn Dhaqalaha Qoys ee Mustaqbalka ka baydh.
6: Hadii aad ku aragto Salaad La,aan ka Leexo Reerka aad Dhiso doonto uma Wanagsana iyo Caruurta ay ku dhali doonto.