Ictiraaf Diidow Qaranimo Kaa Madhan

Ictiraaf Diidow Qaranimo Kaa Madhan

QALINKII

Aduunkan aan ku nool nahey maalinba wax kaa yaabiyaad aragtaa ama afkala qaad kugu noqda. Qarankeena Somaliland halgankeenii dheeraa ee qadhaadhaa ee dhibka iyo xanuunka iyo dhimashada lahaa kadib waateynu qaadaney ee ku dhawaaqaney gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland May 18 1991. Muda intaa le’eg ee.ka soo wareegtey madaxbanaanideenii ee maanta 23ka sanadood ah ee aynu inagu xornimada raadiska aheyn maanta maalin ay inooga dhawdahey ama aynu ku riyaaqi kano in laynaga aqoonsado magaalooyin ka mid ah magaalooyinka ugu caansan taariikhiyan wadanka ingiriiska oo inoo muujiyey shacabweynaheena Somaliland ineynu nahey dad Somalanders ah oo calankeenii bilicsanaa ka taagey goobaha laga xukumo magaalooyinkaa inoona aqoonsadey bulsho u dhalatey Somaliland ee aan aheyn bulsho ka timi wadankii Somaliya leysku odhan jirey. Waa ilaahey mahadii waa wax aad loogu farxo oo taariikhda baal dahaba ka geli doonta. Hadii a6nu sidaa ku wadnana oo kolba magaalo aqoonsigeena hor dhignana aakhirka ku guuleysan doona oo ictiraafkeynu 23sano raadineyney sidaa ku hanana.Maalmahan danbe waxaa waxaa websites ama waegeysyada aan ku arkey dad ku soo qoraya dabaaldagii 18may ayaanu u diyaar garoobeynoo waxaa nalaga dul keeney aqoonsigii Somaliand.Waa hadalada maskaxdeyda ka.dagi waayey dad ku dacwoonaya 18May baan xusi lahaaye ictiraafba manaa rabey.Canaan iyo aflagaado ka hor keeney shakhsiyaadkii guulahaa soo dhaliyey ama ku talo jirey iney inoo suurta gasho in aynu aduunka ka mid noqonoo lahuugu adeego qof ka soo jeeda ama u dhashey jamhuuriyada Somaliland. Waxaaban is idhi oo armaaba bari hore leyna aqoonsan lahaaye show inagaaba madaxa iskaga fadhiney.Aqoonsiga Somaliland maaha mid shakhsiyaad, qabiil, qof ama reero gaar u leeyihiin waa qaran ku dhisan ama ku yimi dhibaato badan halgano xanuun badani ilmihii dhashey maalintii gooni isku tageena waa 23jir aan marna arag Somaliland oo aduunka ka tirsan oo loogu yeedhayo wadanka Somaliland. Hadase dadaal weyn iyo wakhti dheer hadii illaahey aqoonyahanadeenii garadsiiyey iney aqoosigeena ku keenaan sidan maamusku iyo quruxdu ku jirto oo calankeena suuban laga taago badhtilmaameedka magaalooyinka aynu deganey waa wax qiiro leh oo farxad iyo damaashaad inaga mudan. Kii ama shakhsiyaadka ka hadley ama ka xanaaqsan ama diidan ee hadalada ka keenayow awalbaanad rabin Somaliland oo xora ee yey ku dhibin SOMALILAND SOCOTOO XIDIGAHAA DUSHOODIYO SAMADEY KU SOCOTAA KII SUGEYOW SAMIR. Waxaan ku soo gabagabeeyey yeynaan noqon xaasidkii ictiraafka ee ku diirso oo ku qabow jiritaanka iyo xornimada Somaliland guul iyo gobanimo u soo hoyatey shacabweynaha Somaliland guul guul. Wabilaahi Towfiiq

waxaa qortey ZAINAB QURJUF