Isimada Maamul Goboleedka Puntland Oo Ka Diidey Aqoonsiga Odayaasha Reer Muqdisho Siiyeen Somaliland.

Isimada Maamul Goboleedka Puntland Oo Ka Diidey Aqoonsiga Odayaasha Reer Muqdisho Siiyeen Somaliland.

Isimada

Garoowe(Salaanmedia.com) Garaad Cabdilaahi Cali Ciid, oo ah afhayeenka Isimada Maamul Gobolleedka Puntland ee Daarood, ayaa ka hadlay aqoonsiga ay Somaliland siiyeen odayaashii reer Soomaaliya ee dhawaan dalka yimid.
Garaad Cabdilaahi Cali Ciid, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in odayaashaasi aanay metellin Isimada beelaha Daarood, isaga oo sheegay inaanu meteli Karin nin ka yimid buu Muqdisho iyo hareeraheeda.
Odayga, oo ku hal qabsanaya hadalkii odayaashu ay Hargeysa ka sheegeen, ayaa yidhi “Waxaanu codsanaynaa-bay yidhaahdeen annaga oo matelna wixii Koonfur ahaa, inaanu aqoonsano Somaliland”
Garaad Ciid, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu leenahay nama metalaan, wixii Soomaaliya ah iyo taladeedu Soomaali-bay dhex taallaa, qaybtayadana waanu ku leenahay, odayaasha Xamar ka tageyna ma metalaan dabcan..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waxay sheegteen Isimo, kii ah iyo kii aan ahayn tallo aanu wax ku leenahay maaha wax lanoo yeedhinayo, markaa nama metelaan, codkayagiina kuma hadlayaan, iyaga ayaa codkooda leh, kuwana (Isimada Puntland ku sugan) iyagaa leh codkooda..”
Garaadku waxa kale oo uu sheegay “Annigu waxaan ahay Maxamuud Harti, waxaan ahay Daarood, waxaan ahay Warsen-gali, anniga ninka Muqdisho iyo hareeraheeda ka yimid iguma metallo Hargeysa…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya gooni isku taagga Somaliland “Somaliland inay goosato lama yaabayo, laakiin dantoodu halkay jirtaa maaha, Koonfurta Suudaan, Maaha koonfur Afrika, maaha Turkiga, ee Soomaali dhexdeeda ayay taallaa..”