Liverpool Oo U Dhaqaaqeysa Lix Ciyaaryahan Madaama Ay U Soo Baxeen Champions League

Liverpool Oo U Dhaqaaqeysa Lix Ciyaaryahan Madaama Ay U Soo Baxeen Champions League

Liver Pool liver

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa ku fekeraya in ciyaartoy sarsarre oo ka ciyaarta Yurub inay doonayaan inay ka mid noqdaan kacaanka Afield madaama ay u soo baxeen Champions League.
Wargeyska Mail on Sunday ayaa qoraya manta in Rodgers la siin doono lacag 60 milyan ginni oo ay gacanta u gelin doonaan milkiilayaasha kooxda, waxaana diirada u saaran dhowr ciyaartoy.
Waxaana ka mid ah xiddiga garabka ka ciyaara ee Ukriane Yevhen Konoplyanka, daafaca bidix ee xulka Argentina Marcos Rojo, iyo xiddigaha u soo baxaya England ee Luke Shaw, Adam Lallana, Micah Richards iyo Steven Caulker.
Sannadkii hore Rodgers ayaa ka xumaaday inuu seego saxiixa kubadsameeyaha Henrikh Mkhitaryan kaasoo ka doortay kooxda Merseyside kooxda Jarmalka ee Borussia Dortmund.
Laakiin Rodgers oo kooxdiisa y habeen danbe la ciyaari doono Crystal Palace ayaa rajo badan ka qaban inay markaan ciyaartoy soo jiidan karaan madaama ay u soo baxeen Champions League, islamarkaana ay dhaliyeen xilli ciyaareedkan 96 gool oo Premier League, halka uu sidoo kale ka soo saaray Suarez