Ma Dhabaa In Ay Xukuumaddu Xoolo Raadin U Bedeshay Xuska 18-ka May ………War Bixin

Ma Dhabaa In Ay Xukuumaddu
Xoolo Raadin U Bedeshay Xuska
18-ka May ………War Bixin

download

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka dhalatay Xisbiga Kulmiye ayaa nasiibkeedu ku simay in ay gaarkeed ugu dabaal degto xuska 18-ka May markii afraad oo ay maalmo koobani inaga xigaan. Xuska 18 Ka May ah maalin ku weyn guud ahaanba shacabka reer Somaliland ayay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka Soo maray mid waliba jawi gaar ah ku xusi jiray. Xuska sanadkan ayaa xukuumaddu si laxaad leh xooga u saartay qurbe jooga iyada oo barilmaameedkeeda ugu wayna ka dhigtay Dalka Ingiriiska. Xubno ka mid ah golaha Wasiirada, Xildhibaano ka tirsan labada Gole, Abwaano iyo siyaasiyiin kale ayaa u anba-baxay Magaaladda London. Inta badan waxa

la isku raacsan yahay wufuudan culus ee ku baxay dalka Ingiriisku ay dhaqaale raadis yihiin.
Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani ayaa isagu xukuumadda ku eedeeyay in waji cusub u yeeshay xuska 18-ka May.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Mustafe Maxamuud Qodax ayaa mar uu u waramayay wargeyska Waaheen yidhi “Runtii waxa jirta lacago badan oo Xukumadu si khaldan u isticmaalayso, anagu kama soo horjeedno 18-may waa Maalin weyn, waa maalin qaran waa maalin in la xuso muddan, laakiin sidda aad sheegayso waxa jirta kabadbadin, waanu arkaynaa Waftiyo baddan oo aan macno baddan sameyn oo dad baddan oo madax iyo mijo isku jirra lacag badan iyo tigidho badan oo lacag baddani ku baxayso lagu kharash garanayo oo dibadah loogu baxayo, siddii qaab aroos oo kale ayey xukumadani ka dhigaysaa 18 –May, ma diidanin, xisbiga iyo taageerayshiisuba way ka qaybqaadnaya awalna way ka qaybqaadan jireen, laakiin adiga oo og arrimuhu sidda ay u kala horeeyan, in ay wanaagsanan lahayd in ahmiyada la siiyo oo la kala horeysiyo, runtii arrimo badan oo mudnaa in wakhti la siiyo oo lacag la siiyo oo maskax la galiyo aynay u dhaqaaqin.”Ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee xuska 18-ka may ayaa ah maalin ku wayn dhamaanba shacabka reer Somaliland