Maqaaxi cunto Oo hab casri ah u gaadhsiinaya macaamisheeda waxay ka dalbadan

Maqaaxi cunto Oo hab casri ah u gaadhsiinaya macaamisheeda waxay ka dalbadan

Diyaaarada

Maqaaxi iibisa sabaayada oo ku taala dalka India ayaa soo bandhigtay teknolojiyad casri ah oo ay macaamiisha ka soo dalbada cuntada ay ku gaadhsiinayaan. Maqaaxidan oo la yidhaahdo Francesco’s Pizzeria oo ku taala magaalada Mumbai ee dalka India, ayaa hirgalisay nidaam cusub oo ay adeegsanayso diyaarad yar oo aanay cidi wadin oo macaamiisha kasoo dalbada cuntada ay ku gaadhsiinayso. Drone-kan(Diyaaradan bilaa duuliyaha ah) ayaa la sheegey inay wax wayn ka qabanayso wakhtiga ku luma inta siduhu uu ku jiro saxmada gaadiidka ee uu kusii socdo dadka soo dalbaday. “Dhamaantaayo waxaanu akhrinay qorshihii mareegta Amazon ku doonaysay inay bilawdo qorshe ay macaamiisheeda ku gaadhsiinayso alaabaha ay u gaynayaan Drone. Waxaan ku guulaysanay in aanu samayno tijaabo aanu cuntada ugu gaynay macaamiishaayada dagan ilaa 1.5km noo jira 11 May”, ayuu yidhi Mikhel Rajani maareeyaha maqaaxidu. Mikhel wuxuu sheegey qorshana oo caam dunida ka noqon doona shanta sano ee soo socota, in uu yahay mid maal iyo wakhtigaba yaraynaya. Drone-kan ay Francesco’s Pizzeria isticmaalayso ayaa la siiyaa ilaa $2,000, ilaa iminka noocan ay adeegsanayaana ma awoodo in uu dherer ilaa 120m oo sare. Waxaanay diyaaradani qaadi kartaa ilaa 32kg oo culays ah.