Markii Ugu Horeysay Ee Abid Labo Kooxood Oo Isku Magaalo Ah U Soo Baxeen Finalka UCL, Real Madrid v Atletico Madrid.

Markii Ugu Horeysay Ee Abid Labo Kooxood Oo Isku Magaalo Ah U Soo Baxeen Finalka UCL, Real Madrid v Atletico Madrid.

BmfoTuACAAAoZMi

Afartan sanno ka dib ayay Atletico Madrid markii ugu horeysay iska xaadirisay finalka Champions League ka dib markii ay caawa 3-1 ku dubteen kooxda Chelsea oo marti loogu ahaa Stamford Bridge lugta labaad ee semi-finalka Champions League.
Atletico Madrid ayaa finalka la ciyaari doonta 24ka bisha May kooxda Real Madrid iyadoo finalka uu ka dhici doono dalka Portugal magaalada Lisbon.
Waa markii ugu horeysay oo finalka Champions League ay wada ciyaaraan labo kooxood oo hal magaalo ka soo wada jeeda, finalka sannadkana waa Madrid Derby.
Real Madrid waxa ay ugaarsi ugu jirtaa koobkeedii 10aad ee Champions League, halka Atletico Madrid ay dooneyso inay qaado koobkaan markii ugu horeysay iyadoo finalkii 40 sanno ka hor ay 4-0 guuldarro ah ka soo gaartay Bayern Munich kulan ku celis ahaa.
Finalka koobka ayaa noqon doona su’aal ah, La Decima miyuu noqon doonaa oo ah koobkii 10aad ee Real Madrid ama La Primera koobkii ugu horeysay ee Atletico Madrid.