Nin u muuqal Eeg Usama Bin Ladin Oo baar ku leh dalka Brazil

Nin u muuqal Eeg Usama Bin Ladin Oo baar ku leh dalka Brazil

Usama Pinuladi

Sida uu qorayo wargeyska Britain ka soo baxa ee Daily Mail, dalka Brazil ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa nin si weyn ugu eeg Osama Bin Ladin, iyadoo dadka qaar xitaa su’aalo iska weydiinayaan in uu ninkani yahay Bin Ladin-kii runta ahaa oo dhuumaaleysanaya. Si kastaba sheekada ninkan oo ah mid xiiso badan ayaa bilaabatay sannadkii 2001 markii la qarxiyay dhismooyinkii mataanaha ee Mareykanka, markaasoo Bin Ladin uu noqday ninkii dunida loogu doonista badnaa, maadaama uu isagu lahaa maskaxdii ka danbeysay mashaqadaas, waxaana Booliska Brazil ay qabteen xabsina u taxaabeen ninkan oo lagu magacaabo Francisco Helder, inta badana Brazil looga yaqaano ( Bin ladin ina adeerkii ), waxaana boolisku ay ninkan u qabteen digniin ay ka heleen dadka deegaanka oo mooday Usama bin ladin oo Brazil ku soo dhuuntay. Ninkan ayaa wuxuu baar ku leeyahay magaalada Sao Paolo, iyadoo baarkaasi uu haatan noqday midka ugu caansan magaalada, qof walboo yimaada ayaa sawir la gala ninkan ganacsadaha ah, waxaana Baarkiisa uu u bixiyay BIN LADEN, taasoo dadka dareen kale ku sii abuurtay. Sababta haatan sheekadiisa loo xiiseynayo ninkan ayaa ah in koobka adduunka uu dhawaan ka bilaabanayo Brazil, waxaana la rumeysan yahay in dad badan ay booqan doonaan Baarka ninkan, halka qaarkoodna laga yaabo inay moodaan Bin Ladin kii runta ahaa ee uu Mareykanku sheegtay inuu dilay