Pellegrini: “Waxaan Sugnay Inaan Nahay Kooxda Ugu Fiican England

Pellegrini: “Waxaan Sugnay Inaan Nahay Kooxda Ugu Fiican England

Koobka England

Tababaraha kooxda Man City Manuel Pellegrini ayaa ka hadlay kulan kii ay 2-0 ku garaaceen kooxda West Ham iyo waliba ku guulaysiga ay ku guulaysteen horyaalka.

Pellegrini oo aad u faraxsan ayaa la hadlay Sky Sports ciyaarta kadib wuxuuna hadal kiisa ku bilaabay:

“Arinku kuma xirna kaliya kuguulaysiga koobka, lakiin waxay ku xirantahay qaabkii aan ku gaarnay guusha, waa wax fudud inaad dhaliso gool kadibna aad dib ugu laabato difaac oo aad maciin bido weerarada rogaal celiska ah, lakiin waxaan leeyahay waan ku faraxsanahay qaabka aan u ciyaarno”.

“Kooxaha waa wayn marnaba raali kama noqdaan inay baxaan koob la,aan xili ciyaareed ka, muhiim ayeey inoo aheed inaan ku guulaysano laba koob xili ciyaareed kan, waan dabaal dagi doonaa maanta, bari iyo waliba talaadada, kadibna waxaan bilaabi doona shaqadeena iyo qorshaha xili ciyaareed ka danbe kaas oo muhiim u ah kooxda iyo ciyaartoyda intaba”.

“Waxaa sharaf wayn ii ah inaan noqdo tababarihii ugu horeeyay ee aan ka soo jeedin yurub ee ku guulaysta Premier League, wuxuu ahaa xili ciyaareed kaygii iigu horeeyay aad ayuu u adkaa, lakiin waan ku faraxsanahay wixii aan qabtay”.

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan kooxaha horyaalka nala ciyaaray, horyaalku cajiib ayuu ahaa xili ciyaareed kan, waxaa nasoo maray waqti aad u dhib badan, 9 dhibic ayaan u jirsanay Chelsea sidoo kale 6 dhibic ayaan u jirsanahay Liverpool”.

“Waxaan aheen kooxda kaliya ee tartan ugu jirta 4 koob, ugu danbayntiina waxaan sugnay inaan nahay kooxda ugu fiican England”.