Ronaldo Oo Dalbanaya 100 Tikidh Final-ka Lisbon

Ronaldo Oo Dalbanaya 100 Tikidh Final-ka Lisbon

Rolando

Shabakada Defence Central ayaa sheegaysa in maamulka kooxda Real Madrid ay u balan qaadeen laacib kasta inuu heli doono 50 tikidh Final-ka Champions League.

Dhamaan ciyaartoyda kooxda waxaa la siin doona 50 tikidh si ay ugu casuumaan asxaabtooda iyo qaraabadooda Final-ka Lisbon oo ay la ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid.

Lakiin shabakadaan ayaa sheegaysa in Cristiano Ronaldo uu dalbanayo inuu helo 100 tikidh maadama ay tahay gurigiisa mesha lagu ciyaarayo wuxuuna doonayaa inuu casuumaad badan u fidiyo dhamaan asxaabtiisa iyo qaraabadiisa waxaana la sheegayaa in aysan ku filnayn kaliya 50 tikidh.

Lakiin dhibaatada soo wajihi karta dalabka Ronaldo ayaa ah Xiriirka kubadda cagta yurub ee Uefa oo siin doona Real Madrid tikidho tiro kooban taas oo ka hor istaagi doona Ronaldo inuu helo 100 tikidh Final-