Shan Laacib Oo Qaab-ciyaareed Cajiiba ku soo Bandhigay Horyaalka Spain Ee Sannadkan

Shan Laacib Oo Qaab-ciyaareed Cajiiba ku soo Bandhigay Horyaalka Spain Ee Sannadkan

shan-495x278

Xili ciyaareedkan 2013-2014 waxa uu noqon doonaa mid ku qorma quluubta taageerayaasha horyaalka Spain ee La Liga, iyadoo sannadkan uu ka duwan yahay sannadkii hore, maxaa yeelay? Saddax kooxood ayaa ku hardamaya La Liga sannadkan, halka sannadkii la soo dhaafay ay isku heysteen kaliya laba naadi. Kooxda Atletico Madrid oo tababare Diego Simeone uu hogaamiyo waxay talaabo u jirtaa inay hanato horyaalka 88-dhibcood ayeyna hogaanka ku haysaa, iyadoo ka horaysa Jamaahiirta Real Madrid iyo Barcelona. Waxaa jira xiddigo dhawra oo qaab-ciyaareed cajiiba soo bandhigay xili-ciyaareedkan, kuwaas oo kooxahooda ku hogaamiyay inay gaadhaan boosas muhiima ah. Hadaba Wargeyska Ogaal waxa uu idiin soo bandhigaa 5-ta laacib ee sannadkan wacdaraha ka dhigay horyaalka La Liga ee 2013-2014. 1-Diego Costa:Weerar yahanka reer Spain ee asalkiisu ka soo jeedo Brazil una safta kooxda Atletico Madrid , waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u sareeya, isagoo gacan weyn ka geystay in kooxdiisu u tartanto horyaalka, sidoo kalana ay gaadhaan faynalka Champions League 40-sanno kadib, Costa ilaa hada wuxuu dhaliyay 27-gool, booska labaad ayuuna kaga jiraa tartanka gool dhalinta La Liga. 2-Cristiano Ronaldo:Laacibka ugu fiican caalamka sannadkii hore, waxa uu kooxdiisa ka caawaiyay iney ku guuleystaan Copa del Rey, sidoo kale wuxuu dhaliyay goolal fara badan oo kooxda ka saaciday inay u dagalamaan horyaalka Spain iyo Champions League, isaga ayaana hogaanka u haya goolasha La Liga, 30-gool ayuuna dhaliyay. 3-Koke Resurrección:Khadka dhexe ayuu u maamula kooxda Atletico Madrid oo hogaanka u heysa horyaalka, waxaa lagu naanaysa Xavi-ga cusub, cid in kiri kartaa ma jirto xili ciyaareedkan, waxaa soo dalbaday kooxo waaweyn oo Manchester Unitd ugu horreyso, Koke waa mid ka mida xiddigaha wacdaradaha dhigay xili ciyaareedka 2013-2014. 4-Thibaut Courtois:Goolhayahan amaah ayuu ugu joogaa Atletico Madrid waxaana mulkiyadiisa leh kooxda Chelsea, laakiin waxaan muran ka jirin in qaab ciyaareed cajiiba uu soo bandhigay xili-ciyaareedkan, iyadoo dadkii daawaday qaab ciyaareedkiisa ay ku sifeeyeen inuu yahay gool ilaaliyaha ugu fiican caalamka xiligan, Courtois qeyb libaax leh ayuu ka qaatay in kooxdiisu talaabo u jirto hanashada horyaalka La Liga Spain. 5-Aritz Aduriz:Laacibkan waxa uu u saftaa kooxda Athletic Bilbao, maaha laacib da’yar oo sannadkiisu waa 33jir, laakiin xili ciyaareed wanaagsan ayuu soo bandhigay, isagoo dhaliyay 16-gool, goolashaas waxay kooxda Athletic ka saacideen inay horyaalka ka qabsadaan booska afraad ee loogu soo baxo Champions League.