Shirkad ku taala dalka Ingiriiska Oo soo saartay telefoono u gaar ah dadka indhaha la’a

Shirkad ku taala dalka Ingiriiska Oo soo saartay telefoono u gaar ah dadka indhaha la’a

Tel-300x168

Shirkadda laga leeyahay dalka ingiriiska ee lagu magacaabo O-PHONE ayaa waxa ay sheegtay in ay soo saarayso telefoon ay ugu talo gashay dadka indhoolayaasha ahi ay si fudud u isticmaali karayaan. Shirkadaha telefoonnada ayaa hore u soo saaray telefoon noocaan ah ama u gaar ah dadka indhoolayaasha ah ee ku nool caalamka, laakiin shirkaddan ayaa ah middi ugu horraysay ee telefoon u gaarka ah dadka indhoolayaasha ah u iib gaynaysa suuqyada caalamka. Telefoonkan ayaa ah mid ah qaabka bareelka oo dadka indhoolayaasha ah kuwooda u tababaran ay fahmi karayaan. Telefoonkan ayaa waxaa laga heli doonaa kaliya suuqyada dalka ingiriiska, iyada oo lagu heli doono qiimo jaban oo ah 60 geniga istarliinka ah oo kaliya. Dadka indhoolayaasha ah qayb muhiim ah oo bulshada ka mid ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaa xusid mudan in inbadan oo ka mid ah bahwaynta indhoolayaasha ay sameeyaan wax la mid ah ama ka sarreeya waxyaabaha ay sameeyaan dadka indhahoodu ay taamka u yihiin. Tusaale ahaan guud ahaan waxaa caalamka ka jira dad badan oo indho la’aan ama ka ku dhashan ama iyago waaawayn indhaha waxyeelo ha ka soo gaadho, haddane goobaha waxbarashada oo ay dhigtaan waxaad arkaysaa in ay kaalmaha ugu horreeya ka galaan. Halka ay jiraan iskuullo iyaga u gaar ah. Qofku indhool waxa uu ka noqdaa qalbiga, laakiin indhaha lagama noqodo indhool sida uu allaah ku sheegay qur’aanka kariimka ah.