Suarez Oo Tartanka Kobta Dahabka Europe Uga Haray Ronaldo

Suarez Oo Tartanka Kobta Dahabka Europe Uga Haray Ronaldo

Rolando kaba daha

Labada ciyaaryahan waxaa ka dhexeeyay tartan dhanka goolasha ah, sida caadiga ah kobta dahabiga ayaa lagu abaalmariyaa ciyaaryahanka ugu goolasha badan, Weeraryahankii hore ee Ajax wuxuu leeyahay 31 gool isla tirada uu leeyahay Ronaldo.
Kulankii ugu danbeeyay ee horyaalka Suarez wuxuu awooday inuu kordhisto tirada goolasha, weeraryahanka qaranka Uruguay mahaleelin shabaqa ciyaartii ay kooxdiisa uga badisay 2-1 kooxdii martida u aheyd ee Newcastle.
Dhanka kale Ronaldo oo aan ciyaarin kulankii Celta goolashiisa waxba kuma darsoomin halka Messi iyo Costa ladaduba aysan haleelin shabaqa.
Nasiib xumo xiddiga Liverpool maahane ciyaartoyda kale ee Messi Costa iyo Ronaldo waxaa uwada haray min hal kulan, kuwaas oo utartami karo kobta dahabiga intooda.
Meel kale Ciro Immobile ayaa galay kaalinta lixaad kadib goolkii barbaraha uu udhaliyey kooxdiisa Torino kulankii Parma, Sturridge ayaa udhaliyey Liverpool 21ki gool ee ugu horeesay uu dhaliyo hal xilli ciyaareed, Luca Toni (Hellas Verona), Jackson Martinez, Robert Lewandowski ayaa kuwada naaloonayey isbuuc raaxo leh iyagoo kaalinta 10aad laqebsaday Yaya Tourey oo ah laacibka kaliya khadka dhexe ee kujiro liiska.
1- Cristiano Ronaldo 31 Gool.
= Luis Suarez. 31 Gool.
3- Lionel Messi 28 Gool.
4- Deigo Costa 27 Goal.
5- J. Soriano 31 Goal.
6-Ciro Immobile 22 (+1) Goal.
7- A. Finnbogason 29 Goal.
8- Daniel Sturridge 21 (+1) Goal.
9- Luca Toni 21 (+1) Goal.
= Yaya Tourey 20 Goal.
Jackson Martinez 20 Goal.
= Robert Lewandowski 20 Goal