Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Agaasimhii Hore Iyo Agaasmiaha Cusub Ee Dhawaan Loo Magacaabay Wasaaradaasi

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Xilkii U Kala Wareejiyey Agaasimhii Hore Iyo Agaasmiaha Cusub Ee Dhawaan Loo Magacaabay Wasaaradaasi

Xanaanda Xoo

Hargeysa(salaanmedia.com)May.21.2014-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa maanta xilkii u kala wareejiyay Agaasimihii Guud ee hore Dr Maxamoud Axmed Maxamed(Cago-weyne)iyo Agaasimaha Guud ee Cusub Dr. Jaamac Maxamed Odawaa. Munaasibad Xarunta Wasaaraddaasi lagu qabtay ayuu Agaasimaha hore kaga hadlay waxyaabaha u qabsoomay afar sano oo uu wasaaradaasi joogay. Waxa uu u mahadceliyey, Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa iyo Wasiirka Madaxtooyada oo uu sheegay inay Sabab u ahaayeen Magacaabistiisa hore. “ Markii Wasaaradda aan imid shaqaalaha Wasaaraddu waxa uu ahaa Boqol iyo Lixdan, haddana waa 300 oo shaqaale, dadkaas aanu shaqaaleynay waa dhalin yaradii jaamacaddaha wax ka soo bartay. intii aan joogay waxaanu Jaamacad u diray 10 Arday. Waxaanu wax ka qabanay dhinaca xoolaha oo waxaa dhoofay sanadkii 2009 Milyan iyo Lix boqol, 2011kii laba Milyan iyo Sagaal kun ayaa dhoofay, sanadkii 2012 waxaa dhoofay Saddex Milyan iyo sideed boqol, markaas waad arkaysaan Jaantuskaasi sida uu u kordhay” Ayuu yidhi Dr Cago-weyne. Agaasimaha hore waxa uu sheegay inay wax badan ka qabteen Caafimaadka Xoolaha islamarkaana ay tababaro u sameeyeen Kooxa wareega oo Xoolaha caafimaadkooda ka shaqeeya. Waxa uu sheegay inay wax ka qabteen Caafimaadka Caanaha, Hilibka iyo Naaxinta Xoolaha. Waxa uu sheegay inay wax ka qabteen horumarinta Sariibadaha, hirgalinta Kaawaanada Xoolaha lagu qalo iyo Seerayaal Xoolaha loogu talo galay. Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Dr Jaamac Maxamed Odowaa oo isna hadal kooban ka jeediyey Madasha ayaa sheegay inuu halkaasi ka sii wadi doono Hawlaha wasaaradda islamarkaana kor u qaadi doono Xoolaha tayadooda oo ah Laf dhabarta dhaqaale ee Somaliland. Waxa uu hawl wadeenada Wasaaradda ka codsaday inay la shaqeeyaan. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan Xilka ka qaaday Dr Cago-weyne oo mudo soo hayay Jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xolaha