AMAKAAG: Cunsuriyadda Ruushka Oo Gaadhay in Toos Tareen dhexdii la Isugu Toogto

AMAKAAG: Cunsuriyadda Ruushka Oo Gaadhay in Toos Tareen dhexdii la Isugu Toogto

Ruushaka Tareen

Dhacdo yaab iyo naxdin leh ayaa todobaadkan ka dhacdey mid ka mid ah xarumaha Tareenada wadanka Ruushka ka dib markii fal cunsirinimo ku saleysan si bareer ah madaxa lagag toogtay muwaadin ka soo jeeda gobolka Dagestan ee yaal waqooyiga wadanka Ruushka halkaasi oo ay ku nool yihin 85% bulsho Muslimiin ah. Laamaha amaanka wadanka Ruushka ayaa baahiyey muuqaal Video ah oo ay duubeen kaamirooyinka amaanka ee loo yaqaan CCTV ee ku rakibnaa tareen ka mid ah tareemada magaalada Mosco ka shaqeeya, iyadoo Kaamirooyinku qabteen laba nin oo ku hubaysnaa Baastoolado oo nin shacab ah oo Tareenka soo fuulay si toos ah madaxa uga tooganaya iyadoo ninkaasi uu soo gaaray dhaawac kooban balse labada nin ay ugu tala galeen in ay madaxa ka toogtaan. Dhacdadan ayaa timid markii tareenka uu soo istaagey mid ka mid ah saldhigyada tareemada, waxaana markaasi soo galay ninka, iyadoo isla markii uu tareenka gudaha u soo galay isagoon fariisan uu nin ka mid ah labada nin ee hubaysan inta ku soo booday haraati iyo feer isagu darey isagoo inta Baastoolad iska soo jarey ninkii xabad ku ridey, iyadoo kii kalena uu soo istaagay si uu u raaco saaxiibkiis oo tareenka ka dagaya. Kaamirada ayaa sidoo kale qabtey ninkii kale oo isna inta Bastoolad la soo baxay ninkii dhibanaha ahaa ku ridaya iyadoo la arki karo dadkii kale ee saarnaa tareenka oo naftooda la baxsanaya. Labadii nin ee hubaysnaa markii ay tareenka isaga degeen ayaa dadkii waxya ku yaaceen ninkii oo dhiig ka qubanayo wajigiisa, hase yeeshee mucjisadu waxay aheyd ninku dhulka kuma dhicin isagoo taagan oo shaarkiisii dhiiga ka qubanayo ku tiraya dhiigna uu daadsan yahay tareenka gudihiisa ayaa muuqaalka lagu baahiyey. Laamaha amaanka waxay baahiyeen muuqaalkan iyagoo sheegay in ay wadaan baaritaan ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan labada nin oo iyagu si caadi ah wajigooda loogu jeedo isla markaana aan la gaban inay ninkaasi waxyeelo u geystaan. Warbaahinta Life News, oo ka mid ah hay’addaha warbaahineed ee ugu balaaran wadanka Ruushka oo muuqaalka dhacdadan baahisay ayaa waxay sheegtey in dhacdadan ay dhacdey 17-kii bishan November, isla markaana ninka la dhaawacay lagu magacaabo Khashim Latipov, oo 30 sano jir ah, iyadoo arintan ay ka dhacdey saldhiga tareenada ee lagu magacaabo Nagornaya Saraakiisha amaanka waxay sheegeen inay wadaan baaritaan ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan labada nin, iyadoo ninkii dhibanaha ahaa uu soo gaaray dhaawac xabadihii lagu riday ay jabiyeen daanka isla markaana Isbitaal la dhigay. Falkan ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa mid cunsiriyad oo labada nin ku cunsiriyeynayeen ninkaasi oo ay u fahmeen in uu ka soo jeedo gobolka Dagestan ee ay Muslimiintu ku badan yihiin, halkaasi oo mudooyinkii la soo dhaafay ay dagaalo ka socdeen kuwaasi oo u dhaxeeyey xoogaga amaanka dalka Ruushka iyo kooxo Islaamiyiin ah oo u dagaalamaya in gobolkaasi ay ka goyaan wadanka Ruushka intiisa kale.