Askari Sucuudi ah oo Cagtiisa saaray Kacbada Barakeysan iyo Muslimiinta Caalamka oo ka cadhooday

Askari Sucuudi ah oo Cagtiisa saaray Kacbada Barakeysan iyo Muslimiinta Caalamka oo ka cadhooday

Askari Sacuudiya

Askari Sucuudiyaan ah oo ka mid ah ciidamadda Booliiska ee loo xil-saaray inay ilaaliyaan Kacbadda Barakaysa ayaa sawir lagu xaday xili uu cagtiisa saarayo Kacbadda, iyadoo mamnuuc ay tahay in cagta la saaro goob Barakaysan oo Muslimiinta Caalamka ay u soo xajiyeen una soo Cimraystaan. Amiirka xukuma Magaaladda Makkah ee Amiir Mishal Cabdullah ayaa amar ku siiyay arrintan in baadhitaan lagu sameeyo iyo in Seminaar loo furo ilaaladda Kacbadda inay ka taxadaraan falka uu ku kacay Askariga oo loo badinayo daal iyo hurdo ka badatay darteed inuu cuskaday Kacbadda. Kadibna cagtiisa saaray dhagaxa-Madoow ee (Black-Stone) oo ka mid ah dhagxaanta Barakaysan ee ALLE Suxbaaxunu-watacaalaa Samada-sare ka soo dajiyay xiligii Nabi-Ibraahim (CSW).