Axmed Siilaanyo Wuxuu Leeyahay Budh Ku Maal… Muuse Biixina Budhkiisuu Sitaa..” Muj.Cali Guray

Axmed Siilaanyo Wuxuu Leeyahay Budh Ku Maal… Muuse Biixina Budhkiisuu Sitaa..” Muj.Cali Guray

Cali Guray

Hargaysa (Salaanmedia.com)-Guddoomiye Kuxigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa waxa uu ku tilmaamay Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inaanu wax garasho ah lahayn,balse uu leeyahay budh kumaal, isla markaana waxa uu khilaafka ka dhex aloosan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo ku si feeyey inuu yahay Filim Kartoonka Toom iyo Jeeri Mujaahid Cali Gurey oo khudbad ka jeediyay Xaflad Xisbiga UCID u sameeyay taaageerayaal ku biiray maalintii Khamiista ee doraad oo lagu qabtay Huteel Crown ee Magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay dhawr qodob oo kala duwan. Isla markaana mar uu soo dhawaynayay taageerayaal ku soo biiray waxa uu yidhi; “Waxaan idinku soo dhaweynayaa UCID, aniga oo ah Xaafada….KULMIYE uu kala iibiyay dadkeedii. Gurigiinii waad ka timaadeen gurigiiniina waad u soo hoyateen. Waynu lunsanyn markii hore ee aynu KULMIYE ahayn, maanta ayaynu helnay dawgii saxda ahaa,” Cali-Gurey mar uu ka hadlayey xukunkii lagu riday Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii Wargeyska Axmed Cige waxa uu yidhi “Waxaad ogaydeen in la xukumay Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxa laynooga dhigay inay maxkamadi go’aan gaadhay, oo kiis la qaaday oo dacwadi ay jirtay, oo go’aan maxkamadeed ku dhacay.Laakin waxaan idiin sheegayaa inuu go’aankaasi ka yimi Maxtooyada, cidda go’aankan lahaydna waxa weeyaan cid aan dalkan, dadkan, midna xil u haynin, oo aan loo dooran.Taasina sabab kale maaha ee codkii aad Axmed-Siilaanyo Siiseen ayaa denbi idinku noqday” Guddoomiye Kuxigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Xoolaha waa la dhibeeyaa, shilintu kama go’do hadaan la dhibayn, markaa UCID ayaa lagu dhibaynayaa SUBEER-AWAL”. Khilaafka soo noqnoqday ee xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlayayna waxa uu yidhi; “Abtigay Muuse Biixi iyo dagaalka ka dhaxeeya Siilaanyo si kale ku garan-meysaane kartoonkan la yidhaahdo Toom iyo Jeeri weeyaan.SNM ayay wada ahaayeen,KULMIYE-na way wada ahaayeen, meel-ba haday kuwada jiraan dagaalkoodu ma dhamaanayo.Midna waan idiin sheegayaaye dad ayaa qaba inuu Axmed-Siilaanyo ka adkaaday Muuse. Siilaanyo, wuxuu leeyahay budhku-maal,Muuse Biixi-na Budhkiisa ayuu sitaa,marka uu afar jeer ku dhufto ayaa ka shanaad laga qabtaa,….Axmed-Siilaanyo waxa uu ka adkaadaa nacas Cali Gurey oo kale Ah, laakin Muuse Biixi oo kale kama adkaado” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan idin leeyahay wixii KULMIYE kala lumiyay ilaa bariga Burco, UCID waxa uu diyaar u yahay inuu idinku kulmiyo UCID”