Barnaamijkii ”Ma Ogtahay Waxa Jira Wixii Jiray” Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Brazil Ka Dhacay Oo Mudahaarado Ku Curtay

Barnaamijkii ”Ma Ogtahay Waxa Jira Wixii Jiray” Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Brazil Ka Dhacay Oo Mudahaarado Ku Curtay

Parzil 3

(Salaanmedia.com)-Koobkii kubada cagta ayaa wiigan bilowday waxaa jiray fantasiye farxadeed iyo mid mudaaharaad labadaba hadaba waddanka Brazil ee sanadakan nasiibka u yeeshay in ay qaabilaan ciyaaraha ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo garoonla fadhiya 61.100 dad ah isla maalintii u horaysayba garoonka weyn ee Corinthians Arena oo ku yaala Sao Paulo hadaba waxaa si aad ah looga daawanayaa caalamka oo dhan bal hadaba daawo sawirada

Parazil 5

Waxaa dariiq walba la sudhay calaamad FIFA si aadana waa loo sharaxay meel kasta dariiqan oo la yidhaahdo Fortaleza

Waxaa garoonka aad u soo buux dhaafiyey taageeraysshii reer Brazil maalintii furitaabka laguna bilaabay Brazil iyo Croatia waxaa talaagadii ay uGu jirtay jalaatadu riixaya ninkan oo kana faaiidaysanaya inta kolba ay soconayso in uu iyada raaco
Dad diidan madaxda kubada cagta ee FIFA ayaa sameeyey mudaaharaad aad u culus waxayna madaxa isla galeen Police ka oo si cajiiba uga shaqeeyey dadkii isla maalintaa la furay ciyaaraha sameeyey xoogna loo sheegtay si aan arxan lahayna loo garaacay loona akala dareeriyey kooxadam mudaaharaadka samaysay oo la yidhaahdo anarchist group Black Bloc ayaa waxaa markii mudaaharaadkii cuslaaday la dalbaday Military police oo la mid ah RRU s/land
Maalintii furitaanka ayaa waxaa ka heesay dad caana oo ay ka mid ahaayeen Jennifer Lopez, Claudia Leitte and Pitbull waxaana lagu bilaabay Brazil iyo Croatia labadii kooxood oo isa soo taagay dadka hortooda kuna wareegsan diilinta dhexe
Waxaa la soo kordhiyey Police si ay nabada u sugaan wax dhibaato ahina u dhicin dadkii mudaaharaadka samaynayeyna waa la kala diray waxaa meel walba lagu arkayaa dadka taageersan ciyaartoyda wadankooda ee Brazil oo ku lebisan dharkooda

Parazil 1

Waa heesagii labadaa dumara waana kuwii ka heesayey xaflada furitaanka waa Jennifer Lopez (midig) iyo Claudia Leitte oo midina tahay reer maraykan midina reer Brazil ninkan xawlal mariidada karinayaana waa taageerayaasha reer Brazil
Gabadhaa aya ka mid ah dadkii mudaaharaadayey waxayna camanka ku dhegsatay FIFA guryahinii ku noqda dadka mudaaharaadaya ayaa waxay ku andacoonayaan in dadka waxloogu qabto baahiyaha caam ahaaneed ee loo baahan yahay inta garoono la dhisayo ciyaartoo oo bilaabatay iyo dadkii taageerada u hayey kooxdooda oo aad moodo in koronto ku dhegtay daawanayana shaashadaha TV yada
Wiilkaa khadka dhexe uga ciyaarayey Waddanka Croatia ayaa gool ku hubsaday shabaqa waana ninkaa kor u booday ee bidixda xiga ninka difaaca u ahaa Brazil oo la yidhaahdo Marcelo ayaa sii eegaya kubadii oo shebega dhex fadhida dadweynihii reer Brazil oo daawanaya ciyaarta

Ninka khadka dhexe uga ciyaara Brazil Luiz Gustavo iyo ka Croatia’s khadka dhexe uga ciyara Ivan Perisic ayaa madax ku boobaya kubada dadweyne daawanaya kubadda oo TV yada oo aad looga daawanayo ayaa mashquul aha adduunka oo dhan

Barzil8

Parazil5

Difaaca iyo captain ka Croatia Darijo Srna ayaa isugu yimid siidhi walaha ree Japan ee Yuichi Nishimura ka dib markii uu ka dhigay rigooraha ay darooga ku noqdeen labada ciyaartoy ee labada waddan Brazil iyo Croatia waxaa weli askartu isu jebinayaan dadka qaar mudaaharaaday
Ciyaartoygii goolka u dhaliyey Brazil Neymar ayaa aad u faraxsan waxaad mar keliya isla kacay dadweynihii reer Brazil oo taageeraya ciyaartoydooda oo aad moodo in nakahas ku taagnaa ka soo go’ay

Waxaa dalan dalaya weli Budka lagu garaacayo dadweynaha mudaaharaadaya oo dhebi cad lagu garaacayo Rafael Marquez (bidix) iyo Javier Hernandez (midig) oo labaduba Mexico ciyaartiydooda ah ayaa madax ku boobaya intaa aan ku so jiijino manta waxaan idiin haynaa kuwo kale waa inoo iyo kulantidena danbe