Booliska Muqdisho oo Baafiyey Magacyada 10 qof oo Qaraxyo wada

Booliska Muqdisho oo Baafiyey Magacyada 10 qof oo Qaraxyo wada

Police Muq

Muqdisho, 23 June 2014 (Salaanmedia.com)- Taliska Ciidanka Ammaanka dalka Soomaaliya, ayaa baahiyey magacyada dad ay baafinayaan oo ay sheegeen inay ku hawlan yihiin inay Qaraxyo ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho oo ay xuseen inay joogaan, kuwaasoo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka midka ah argagixisada Al-Qaacida. Ciidanka Booliska dawladda Soomaaliya waxay sheegeen oo ay baafinayaan magacyada toban 10 Ruux oo ay sheegeen inay joogaan Muqdisho, kana tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay damacsan yihiin inay isku qarxiyaan goobo ka mid ah magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Inkasta oo aanay Booliisku sheegin xilliga ay doonayaan Raggan inay qaraxyada ka fuliyaan Caasimadda ayaa haddana waxa mid ka mid ah dadkan oo magacyooda iyo taleefoonkooda oo la soo bandhigay uu VOA-da u sheegay inaanu ka mid ahayn Al-shabaab, khatarna aanu ku ahayn ammaanka Muqdisho.Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Raggani ay yihiin kuwo ay Ciidammada Sir-doonka dowladdu magacyadooda iyo taleefoonnadooda soo heleen, waxaanu yidhi; “Ciidamada dowladda ee dhar cadka ah ayaa magacyada iyo taleefoonnadan soo helay, waana kuwo lagu kalsoon yahay oo la hubiyay, waxaana wadnaa qorshihii aan ku soo qaban lahayn.